Ronaldo Oo Old Traford Dib Ugu Soo Noqonaya Dhawaan

Xiddiga reer Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday ciyaarista kulanka la doonayo in lagu maamuso Shaqadii uu Rooney Manchester United ka qabtay mudadii joogay.

Kabtanka kooxda Manchester United ayaa waxaa uu xaqiijiyay inuu qabsan doono ciyaar, kadib markii ay taageerayaasha kooxdu ka codsadeen inuu qabto ciyaar lagu maamusayo Wayne Rooney.

Sida aanu ka soo xiganay Majaladda Daily Star Ronaldo ayaa aqbalay inuu kulankaasi ka mid noqdo xiddigaha safan doona.

Ronaldo ayaa Manchester United waxaa uu ku qaatay lix sannadood, waxaanu ugu danbayn isaga tagay sannadku markii uu ahaa 2009-kii.

Ciyaarta ayaa lagu wadaa inay dhacdo August sannadka dambe.

 

Pin It