Carraale Waddani: Markaan Xiddigaha eegay, Qoraxda eegay, Dayaxa eegay….

Marka hore Xamdi alla. Marka xigga, soomaalida inta aan dareenkoodu hogaaminin, ee qalbigoodu(wadnaha) aanuu xukumini ma badna. Badi soomaalidu waxay u hogaansan yihiin amarrada qalbigooda, tiro yar uun baa garashada maskaxdooda magansada, oo la mid ah dadyowga kale ee dunnida ee garaadku hogaamiyo. sidaa darteed, inta maskaxda soomaalidu hawlgabka tahay, ee dareenka wadnuhu hagayo tigaantig iyo cidhib wanaagsan haka eegin. Midda kale, markaan dhan kastaba ka eegay, xidigaha eegay, qoraxda eegay, dayaxa eegay, dhulka eegay, badhaadhaha nololeed ee dadku ku jiro tixgeliyay. Markaan kibirka maatada biyaha iyo cuntada ka dhergay u fiirsaday.Markaan cadaalad darradu qiimahaha iyo qaayaha ay leedahay qadariyay. Markaan beenta wanaageeda u khushuucay, markaan uf idhi runta qadhmuunkeeda. Markaan khiyaamada sharafteeda ixtiraamay. Markaan xalaasha xumaanteeda arkay. Markaan xaaraanta wanaageeda iyo sharafteeda dhawray. Markaan islaantaydu sida wanaagsan ee ay hawsha u wado eegay, caqlibadnaanteeda ka yaabay, waxaan ogaysiinayaa dhamaan, waardiyayaasha, darawalada, cunto kariyayaasha,kaawiyadeeyayaasha, dhar maydhayaasha…. in maanta laga bilaabo masuuliyaddii  aan hayay aan ku wareejiyaya fadayda. Sidaa daraadeed ciddii aan la jaan qaadi karayn isbedelkan albaabku wuu u furan yahay ee ha iska tagaan. Midda kale, waxaan islaantayda ka codsanayaa, in anigana ay ii maamusho si ka wanaagsan sidaan u maamuli jiray.

Pin It