Fashilka Xukuumadda, Jawaabta Siilaanyo, Talladii Saleebaan, Garayntii Madaxtooyadda, Dedafayntiisii Iyo Amarrada La Bixiyay

Hargeysa, 27 Oct 2015 (Ogaal) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  ayaa jawaab kooban oo cadho weheliso ka bixiyay fashilka siyaasadeed ee soo wajahay hogaamintiisii.

Madaxweynuhu hadal kooban oo uu warbaahinta qaar siiyay wuxuu ku dedafeeyay eedaynta ay u  jeediyeen masuuliyiinta iscasishay. “Iscasilaadda waxaan u arkaa dadku hadday maamulka dawladda jirta iyo madaxnimada la socon kari waayaan inay iscasilaan xaq bay u leeyihiin, dawladduna isku adkayn mayso.” ayuu yidhi Siilaanyo. Waxaanuu intaa  raaciyay oo uu yidhi;  “Dawladdu waa madaxtooyo, waxaa xukuma madaxweyne, wixii la socon kari waaya ee la jaanqaadi kari waaya maamulka jira iyo duruufaha dalka ka jira, dee   xaqbay u leeyihiin inay   is-casilaan hadday doonayaan ee ha iska tagaan halkoodiina dad kale uun baa geli.”

Madaxweynaha mar wax laga waydiiyay eeddaha looga jeediyay  dhexnimaddiisa  loolanka Kulmiye, wuxuu ku jawaabay; “Eeddaa  waxba kama jiraan, golaha dhexe ayaa ku shuqul leh , xisbigu nidaam buu leeyay, sharciyad buu leeyahay, qaabka loo marayo waa sharci cadaan ah, markaa halka uu golaha dhexe u bato ayuun baan la maraya. Xubnaha is-casilay iyagaa ikhtiyaar u leh, dalku wuu fara badan yahay, umadu way fara badan tahay oo dad badan oo shaqaynaya oo diyaar u ah baa jiraa inay qaranka u shaqeeyaan, cidii ila shaqaynaysaa way ila shaqayn, cidii kalena way iska tegi.”

Dhanka kale shabakadaha wararka qaarkood ayaa faafiyay warar sheegaya in madaxweynuhu isla shalayba amray,  masuuliyiinta is casishay in aan loo ogolaan gelista xafiisyaddii ay iska casileen. Tan ayaa haday jirto tusmaynaysa cadhada madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabay is casilaadda madaxda ka tagtay xukuumaddiisa. Dhinaca kale, arrintan ayaa loo arkaa fulkaane siyaasadeed oo jawaabtan uu ka bixiyay madaxweynuhuna aanay horjoogsan karaynin duufaankeedda, isla markaana waxay rayul caam badan oo la soo xidhiidhay wargeyska Ogaal rumaysan yihiin, in aanay jirin wax u hadhay madaxweyne Siilaanyo inuu iscasilo oo uu kursiga ka tago mooyee, maadaama waqtigan uu hadda talada sii hayaa yahay mid tiqadiisu hoosayso oo  loogu dheereeyay muddo kordhin guurtidu samaysay. Qaar badan oo kale ayaa iyana qaba in loo baahan yahay in guurtidu dib ula noqoto kalsoonidda mudda kordhinta, dalkana gaadhsiiso doorasho.

Dhinaca kale Siday faafiyeen shabakadaha wararka qaarkood Guddoomiyaha Guurtida Mud. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa madaxweynaha ula tegay talo  soo jeedin la xidhiidhay in aanu dalku gelin khal khal siyaasi ah, isla markaana hadduu isagu ka tanaasulay murashaxnimada, uu dhex u ahaado dhammaan Musharaxiinta Xisbiga KULMIYE ku loolamaysa. Xoggahaasi waxay intaa ku dareen in gudoomiye Saleebaan u qadimay madaxweynaha in khaladku dhankiisa yahay, mar hadduu ka noqday go,aankiisii hore.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, siday xoggahaasi sheegeen wuxuu ka dalbay Madaxweynaha in aanu bedelin mowqifkiisii uu kaga dhawaaqay Garoonka diyaaradaha, ee ahaa in si dhex ah loogu tartamaayo Xisbiga KULMIYE, oo cidii golaha dhexe soo saarana la wada tageero. Hase yeeshee xoggahaasi waxay intaa ku dareen  in aanuu Madaxweyne Siilaanyo ka aqbalin dalabyadaa gudoomiye Saleebaan, taasina ay sababtay in  Gudoomiyaha Guurtidu uu cadho kaga soo baxo xarunta Madaxtooyadda. Inkastoo xoggahaa la faafiyay, haddana gudoomiye Saleebaan weli kamuu hadal xaaladda.

Intaa ka sokow siduu baahiyay HCTV Warar ka soo baxay xarunta  madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in kulan  ay yeesheen madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, guddoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka Warfaafinta oo dhexdhexaadin ka dhex wada Madaxtooyada iyo garabka iscasilay uu kulankaasi ku  soo dhamaaday natiijo la’aan.

Pin It