“Lab Haween Ku Taagsaday”

 

Hargeysa, 20 Oct 2015 (Ogaal)-Gudoomiye ku-xigeenka saddeexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed  Yuusuf (Cali-GUREY), ayaa ka hadlay gacan-ka-hadal Magaaladda Berbera ku dhexmaray Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin, kaas oo ku sal lahaa wareejinta Haamaha keyda shidaalka ee Magaaladda Berbera oo ay Xukuumadda si qarsoodi ah u fasaxday.

Muj.Cali Guuray, ayaa hab-sugaaneed ku cabiray ficiladda Wasiirka oo uu ku tilmaamay qaar aan ragganimo ku salaysnayn. “lab haween ku taagsaday legday oo ku jiifoo ka lib doonay ba’naa.”

Waar iga tag naagi dhaantay aniga wasiiro ha iigu sheegine may sidii saahid qamaan yidhaahdaan:

Inaan malab rag kale loo shushubi wax uga meeleeyo

oo meeshana an taagnahay anoon murudna leefaynin

oon weliba muuniyo salaan ula maleegnaado

sadex magac alla eh xaajadaa layma maransiiyo”

Pin It