Berbera: Wareejintii Haamaha, Gadoodkii Shaqaalaha, Isku Dhicii Masuuliyiinta iyo Magacyada Dadka La Xidh-xidhay

Berbera, 20 Oct 2015  (Ogaal) Xukuumadda ayaa meelmarisay go,aankeedii wareejinta haamaha shidaalka, isla markaana wasiiro xukuumadda ka tirsan  oo habeen hore guure ku tegay Berbera ayaa shalay subax xilkii ka tiriyay maareeyihii haamaha, kuna wareejiyay Maareeyaha cusub ee shirkadaha lagu wareejiyay u magacawdeen maamulka haamaha.

Siday faafiyeen shabakadaha internetka qaarkood Wasiirka ganacsiga Muuse Qaasim, Ku Xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, wasiir ku xigeenka Xaannaanada xoolaha Cali Gadhdheer iyo masuuliyiin kale ayaa xilkii ka wareejiyay Maareeyihii hore ee Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan, kaas oo xilkiisii loo tiriyay Maxamuud Gahayr oo ay ganacsatada la wareegtay haamuhu u soo magacawdeen.  Siday tibaaxeen xoggaha ay faafiyeen shabakaduhu waxa la sheegayaa inay jirto dayn uu wareejiyay Maareeyihii hore, taasoo la tilmaamay inay gaadhayso ilaa 2 milyan iyo dheeraad doolar. Wararku waxay intaa ku dareen in munaasibad ay goob joog ka ahaayeen shirkadaha lagu wareejiyay haamaha, oo aan saxaafadda loo ogolayn xilka loogu kala tiriyay labada maareeye.Sidoo kala rooda Axmed yaasiin ayaa eedayn kulul kala duldhacday qoyska Madaxweyne Siilaanyo ““Wax gobolka yimi Bashiir Cabdi Xariir iyo Cali Gadh-dheer, nooca xulka ah ee ka soo jeeda beelaha Somaliland ee dadkoodu waxba u dirsan, Bashir Xariir oo Cirro loo samaystay iyo Cali Gadh-dheer oo loo samaystay Haamaha oo ay leedahay kolba eedo maantana iibi. Waxaanu ognahay in amaro cusub oo aanu ogayn Madaxweynuhu kolba Baashe iyo Soddohdii soo dirayaan, maanta haamihii hoosta laga xidhay oo wax ba la kala wareejinayaa oo maamule cusub baa la samaystay, umaddana waxaan jirin baa loo sheegayaa.”

Shabakadda hadhwanaagnews ayaa war ay faafisay ku sheegtay in madaxa shaqaalaha haamaha Cali Geenyo uu u sheegay, in shaqaaluhu ku dhaqaaqeen shaqo joojin shalay subax, isla markaana wuxuu sheegay in aan shaqaalaha la daw marin oo aan la siin xuquuqday lahaayeen maadaama shaqaday qaranka u hayeen lagu wareejiyay shirkado madax banaan. Siday shabakadu faafisay Cali Geenyo wuxuu intaa ku daray, in shaqaaluhu ay sii wadi doonnaan shaqo joojinta ilaa inta ay ka helayaan xuquuqdooda.

Dhanka kale booyadihii shidaalka ka soo dhaansan lahaa haamaha ayaa shalay xayiraad iyo caqabad wayn kala kulmay jawigii taagnaa, isla markaana waxa la sheegay in amaanka aad loo adkeeyay agagaarka ku dhaw haamahana aan la ogolayn in ciddi u dhawaato. Dhanka kale warar laga helayo dhinaca Berbera ayaa sheegaya isla shalay gelinkii dambe in xabsiga loo taxaabay ilaa shan xubnood oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM, kuwaaasoola soo werinayo in layska qabqabtay iyagoo jooga magaaladda Sheekh, isla markaana xalay loo dhaadhiciyay Berbera. Waxaana sidaa Ogaal u xaqiijiyay Cabdirisaaq Dubad oo ka mid ah raggaa la xidhxidhay. Lama sheegin sababta loo sibirsaaray xadhigooda oo aan ka ahayn in loo aaneeyay inay diiddan yihiin wareejinta haamaha. Xubanaha kale ee lala xidhay Cabdirisaaq Maxamed Dubad, waxay kala yihiin; Aadan Jaamac Muuse(Madaxyar), Maxamed xasan Carraale, Cismaan Qarayare iyo xubno kale. “Markaanu istaagnay koontaroolka Sheekh, waxa la baadhay gaadhiyagii, waxba waa nalaga waayay,  markaanu is nidhi dhaqaaqa ayaa nalagu yidhi waa xidhantiin, waxaana naloo soo qaaday Berbera.” Sidaa waxa yidhi Cabdirisaaq Dubad oo Ogaal khadka telefoonka kula hadlay.

Pin It