Boorama: Weerarkii Gurriga Gudoomiyaha, Dilkii Labada Askari, Dil Kale, Xadhigii Dadka Iyo Jawaabta Xukuumadda

Hargeysa (Ogaal)Wasiir ku xigeenada arrimaha gudaha ayaa shir jaraa’id oo shalay wadajir u qabteen waxay ku  cambaareeyeen fal argagixiso oo waaberigii shalay ay dablay hubaysani la beegsadeen gurriga badhasaabka gobolka Awdal ee magaaladda Boorama, halkaasoo ay ku dileen laba ka mid ahaa illaaladda Gudoomiyaha, laba kalena ay ku dhaawaceen.

Wasiir ku xigeenka amniga Cabdi Daahir Camuud oo falkaa ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay;  “Sidaad la Socotaan Salaadii Hore Koox argagixiso ah oo Kooxda Wabar ah ayaa weerar ku soo qaaday Magaalada Boorama iyo Guriga uu Halkaasi ka degenyay  Guddoomiyaha Gobolku. Halkaa waxa ku dhintay Laba Askari, halka ay Laba Kalena ka dhaawacmeen.” Mr Camuud wuxuu falkaa ku eedeeyay Suldaan Wabar, waxaanuu yidhi; “Baryahanba waanu la Soconay inuu dhaqdhaqaa ka jiro eeriyada Boorama, oo wabar iyo kooxdiisu ay  wadaan.Dhibka halkaa ka dhacayna Suldaan Wabar ayuu ku xidhiidhsan yahay,Laba Askari ayaa dhintay Laba kalena way dhaawacmeen,midna waa Milatariga, midna waa Booliska. Kolay haday mar wax dhacaan in dad la xidhayo ama gudaha ha ahaato ama kuwii fuliyay ha ahaato, dadka gudahuna waa laga yaabaa in ay lug ku leeyihiin, raggani guryo ayay ka soo baxeen,markaa kuwii joogay guriga ay ka soo baxeen Xabsiga ayaa La dhigayaa. Kii taakuleeyay ama kan Gacanta Siinaya Gacan Bira ah ayaa lagu qabanayaa oo Sharciga ayaa la horgayn doonaa,guryaha ay ku jireena cidii ku jirtay sharciga ayaa la horkeeni doonaa waana la baadhayaa siday wax u dhaceen hawl galkuna waa Socdaa.”

Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Axmed Cadare ayaa isna tilmaamay in ay dadkii falkaa fuliyay fakadeen qaarkoodna ku jiraan Magaalada Boorama  laguna raad Joogo.“Nasiib Daro Way Fakadeen,Waxna Magaalada Ayay ku jiraan oo Raadkooda ayaa Lagu Gudo Jiraa,waxna Waxa Naloo Sheegay in ay Gudbeen.waxaan Marka Hore u diraynaa Tacsi,Ciidanka Qalabka Sida, Shacabka iyo Qoysaskii Ay ka Baxeen marxuumiintuna  ilaahay Samir iyo iimaan Haka Siiyo,Nimankaas aaminsan Falka Argagixiso waa lagu dabo jiraa ee falkaasi gaystay.” Ayuu yidhi Cadare.

Waxa uu Amaanay Kaalinta Shacabka gobolka Awdal ka qaateen dhinaca amaanka isaga oo ugu baaqay in ay adkeeyaan nabad galyada waxa kasta ka horimanaya amaankana gacan bir ah ku qabtaan. “dadka guryaha ku jira waanu ku rajo waynahay in ay soo sheegaan dadka amni darada abuuraya,dadkii falkaasi ka danbeeyay waanu ku daba jirnaa,Gobolka Awdal waxa uu Marti Galiyay Ciyaaraha kuwaasoo si wanaagsan u socda,maaha arintaasi mid Khalkhal gelin karta amaanka gobolka, Ciidanka ayaa Gacanta ku haya, ciyaaharuhuna Sidoodii ayay u socdaan, dhuumaalaysina Qarankan Somaliland waxba Yeeli Maayo.”

Dhinaca kale weerarkaa lala beegsaday guriga gudoomie Ramaax kadib waxa la sheegay in xabsiga loo taxaabay tobaneeyo  qof oo isugu jira odayaal, ganacsato, maayarkii hore ee Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo xubno kale, kuwaasoo la faafiyay in loo soo dhaadhiciyay dhanka Hargeysa. Siday faafisay shabakadda wararka Boramanews magacyadda dadkaa la xidhxidhay waxa kale oo ka mid ah; ganacsade Xaaji Cabdillaahi Maxamuud Nuur, ganacsade Idiris Aadan Xasan, Caaqil Axmed Kaahin, Caaqil Faarax Gaangiile, Caaqil Mataan Cilmi wabar, Ganacsade Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac iyo xubno kale. Wararku waxay intaa ku dareen dadka la xidhay ay hayb wadaagaan Suldaan Wabar. Gelinkii dambe ee shalayna siday faafisay shabakadaha Booramanews waxa magaaladda Boorama ku dhintay wiil la sheegay inay ku dhacday rasaas ciidamadda amaanku ku kala dareerinayeen dhalinyaro buuq ka samaysay garoonka ciyaaraha hortiisa kadib markay dhamaatay ciyaar u dhaxaysay goboladda Sallal iyo Gabiley, isla markaana waxay tibaaxeen in dhaawcna jiro.

Pin It