Faallooyinka Siyaasadeed Ee Ibraahin-Hawd Bartiisa Facebook

1.Taariikhda dunida waa ku dhif hoggaamiye Axmed-Siilaanyo ka la mid ah sida uu dadkiisa u yaso. Waa ninka in ka badan shan sannadood oo uu ummad dhan talada u hayay aan mar qudha wayddiimaha dadkiisu qabaan ka jawaabin. Isaga waxaa aad u ga sii yaab badan umadda dhan ee aan shantaa sannadood mar qudha iyo arrin keliya ka la xisaabtamin: guurti, wakiillo, garsoor, bulsho, warbaahin iyo aqoonyahan midnaba. Ogow oo haddana dimuqraaddi baa la sheegtaa! Ogow oo isaga iyo jaallayaashii wax ay sameeyaan wax wal oo damacoodu tuso, iyaga oo aan cidna ka ga haybaysan. Wax ay muujinaysaa dadka reer Soomaalilaand in ay u laylyan yihiin in sidii la doono noloshooda iyo aayahooda loo gu tagrifalo. Ilaahay ha inoo sahlo!

2. Sannadkan muslinka soo xajiyaya waxaa ku jira laba nin oo ka tirsan maamulka QAQ. Bal yaabka intaa la’eg daya!

3. Kulmiye farta ay qaadaanba waa nadaam xumo. Bal goob uu madaxweyne xigeenkii taagan yahay buu nin aan wax xil qaran ah hayni siyaasadda arrimaha debedda ka hadlayaa oo dawlad kale dhaleecaynayaa, Muuse Biixi ma oga miyaa in aan isaga umaddu dooran?

4. Dadkeennu horumarka wax ay u yaqaannaan daaraha. Qof waliba kolka uu doonayo in uu horumar ka hadlo daaraha ayuu soo sawiraa. Maya, horumarku waa xoojinta waxsoosaarka oo lagu daray tayaynta nolosha dadka.

5. Aqoonyahan maskax wacan oo xagaagan dalkii soo joogay baan waraystay.

Meel dhexe markii aannu is la maraynnay buu si filanwaa ah ii yidhi:

”Waar nin yahow dawlad lahaane, dadkeennii, madax iyo mijo, calooshooda ayuun bay ka wada fekerayaan”.

”Maya, maya walaal, fikir la gu shaqayn karo, oo wax la gu wanaajin karo, ayaan meesha jirin dheh, dadku waa dadkiiye”, ayaan ku idhi.

”Hawlwadeennimada dawladdu waa heerka u gu sarreeya bani aadamnimo ahaan xil uu qof bani aadan ahi qabto, waana ta uu siyaasigeennu weli garan la yahay”, ayuu i gu yidhi.

Intii aanan hadal kale u celin ayaan dib u dhadhansaday saddexdaa weedhood ee aannu isu celinnay. Malaha dawladnimada iyo la’aanteedu waa intaas oo qudha ayaan is idhi. Mooyi goor aannu sheekadii mid kale ku beddelnay. Labadayaduba waannu nacnay in aannu ka sii wada hadalno dawladnimada qudhuntay ee Soomaalilaand.

6- 1.7 milyan oo neef oo adhi ah baa Carrafadan oo qudha Berbera la ga dhoofiyay. Waa dakhliga u gu badan ee Soomaalilaand soo gala. Bulshada miyiga ee waxaas oo dhaqaale ah dalka u soo saarta iyaga iyo xoolahooduba harraad iyo cudurro ayay la wada saxariiraan. Weligood cidi wax ma u qabatay?

Bulshada waxmatartada ah ee magaalada muranka iyo musuqmaasuqa la tuban ayaa dhaqaalaha dalka oo dhan sida xanfaleyda fuuqsata. Iyada oo caagag maysaxo ah afka ku wada haysa ayay intaa harraad ka cabanaysaa oo aan waxba deeqayn, oo maalin walba loo sii kordhinayaa. Dawladnimada miyaan la wada lahayn? Bulshada qaybteeda u gu waxsoosaar badan sow ma ahayn in la maalgeliyo?

Bulshadaasi xaq wax ay u yeelan doontaa, waajibna ku noqon doonta, in ay cid kale heshiis maalgashi la yeelato oo xoolaheeda ka dhoofsato. Waayo dawladnimada Soomaalilaand wax dan ah ku ma qabto.

7. Wax walba oo Soomaalilaand ka xumaada waxaa xumeeyay budhcadda QAQ. Suldaan qabyaaladoobay, siyaasi tuugoobay iyo dadweyne ka la daatay, intaaba waxaa dhashay siyaasadda qarriban ee QAQ.

8. Maaxamed Baashe X Xasan baa tix ka gabay ah oo Q:ley ah kuu hindisay oday qurbajoog ah oo waxa dalkii ka dhacaya ka xanuunsaday. Goortii aan tixdaa arkay baan ku daray tan la qaafiyadda ah. Tixdu waa farriin ay runnimadeeda u i ga yaabisay oo la yidhi Axmed-Siilaanyo ayaa dhallinyarada Soomaalilaand ee qabyaaladda la diriraysa u diray. Farriintu waa sidan:

 

Runtu waa qadhaadh waa haddana la ga ma quustaane
Wax la qariyo qudhun baa ku jira qaab kastooy tahaye
Qushigood kuwaa yidhi QAQ baa boobtay Qarankiiye
Anigaa qiyaamaha dembiga lay qabsanayaaye
Aan qiro qabyaaladi in ay qaali tahay caawa

Markii qaranka loo wada tartamay nin iyo qaabkiisa
Qof wal iyo cod maantay ahayd qaadashada foodka
Goortaan ku qaday doorashada loollankiyo qaybta
Goortaan qamuunyada dibnaha qolofta haaroobay
Anigoo ka quustoo dalkii Yurub u saanqaaday
Ayuun baa iyaba waa qaddare qiil la ii furaye
Quruumaha dahsoon baa i yidhi reer tolkaa qabo e

Haddaanaan qorshaha maalintaa u gu qabiiloobin
Haddaan qayladhaantaydu tagin qolada aan sheegto
Haddii aanan qiiriyo toll’ay taarka qabadsiinnin
Haddaanaan qurbiyo tuulo joog geedka u gu qayshan
Haddii aan Garadag loo qulqulin lana qabiil dhaaran
Haddii aan Saleebaan la qaban anina lay qaadan
Qaadhaan haddaan la gu xukumin madaxa qoodhaale
Haddii aan Marraha la gu qatimin duco qabiilaysan
Miyaan maanta qaran-baarqab iyo noqon lahaa qoodhka?
Qasrigaa miyaan degi lahaa layga wada qoofay?
Qabowgaa miyaan heli lahaa dunida oo qiiqday?
Quruxdaa miyaan xidhan lahaa shicibka oo qaawan?
Qasnadaha dalkoo idil miyaan dhigan lahaa qaadhka?
Qaraabiyo xigaalaba miyaan odhan lahaa qaata?
Miyaan qani ka wada dhigi lahaa kooxdan wada qooqday

Dhallinyarada qiiraysaney qawl yar i ga hooya:
Qarannimada wada daadiyoo raaca qoladiinna
Madaxnimo hadduu qaradku yahay taga qabiilkiinna
Quraafaadka daayo adeer qaata taladayda

9. Hadalka weyn ee uu Jamaal Cali Xuseen ka yidhi dhaqaalaha haamaha shidaalka Berbera wax ay ina tusaysaa fadeexadda meesha taallaa in ay aad iyo aad u ga weyn tahay waxa la ga hadlayo oo dhan. Dhab ahaantii waa xaalad argagax iyo yalaalugo leh.

Laakiin wayddiinta Jamaal iyo mucaaradka kaleba hor taallaa wax ay tahay, waxaas oo hanti ah oo umadda la ga boobay, welina la ga boobayo, in aad sheegtaan mooyee, ma haysaan qorshihii la gu xisaabtami lahaa, ee ciddii dembigeeda la gu helo la gu maxkamadayn lahaa? Yaa u xilsaaran horta ilaalinta hantida dalka haddii ay ciddii masuulka ka ahayd sidaa u boobto?

Haddii aan xisaabtan iyo maxkamadi jirin, maxaa diidaya maanta iyo weligeedba dawladnimadu in ay ahaato budhcad iyo qawlaysato? Tuugga maxaa qabanaya?

10. “Dalkeenna markii u gu horraysay taariikhda dawladihii soo maray oo dhan xukuumaddan ayaa is ku xidhay magalooyin aan waligood is ku xidhmin oo malaayiin doolar xukuumaddu ku dhistay. In ka badan 70 riig biyood ayay xukuumadda madaxweyne Silaanyo dalka ka qodday. Haddii ay wax qaadanayso ama lunsanayso maxay taas u qaadan wayday?”

Hadalkaa waxaa yidhi afhayeenka Axmed-Siilaanyo, Axmed Saleebaan Dhuxul. QAQ caqligoodu waa kaa: Haddii aannu musuqmaasuq nahay maxaannu lacagta dalka 100% u qaadan waynay?! Waa taa doodda ay hayaan.

11.QAQ aniga waaya’aragnimo ahaan wax ay ii la mid tahay Faqash. Wax aanay umaddu dawladnimo u dooran oo haddana u talisa weeye labaduba. Koox aan sharci ahayn oo dalka haysata oo aan cidi la xisaabtami karin weeye labaduba. Dhallinyarada aan soo gaadhin Faqash ha ogaato QAQ in ay taha Faqash aan biyo is marin.

12. Qabyaaladdu abuur ma aha ee waa dhaqan, abuur baan se la beddeli karin ee dhaqan si fudud baa loo beddelaa. Caddayn aad u yar waxaa la ga dhigan karaa sannadihii u gu horreeyay maamulkii Kacaanka Oktoobar, xilligaas gaaban oo ay waddinayadda iyo qofnimada wanaagsan ee soomaaligu soo baxday.

Berigaa Kacaanku bilawga ahaa, sarkaalkii la odhan jiray Bile Rafle Guuleed ayaa Hargeysa iyo Burco marba mid guddoomiye ka noqday, halkaas oo aanu tol ahaan iyo dhul ahaan toonna u dhalan. Ninkaasi labadaa magaalo wax uu ka dhigay kuwa dhulka soomaalida oo dhan u gu qaab dhismeed qurxoon. Waddooyin wada toosan oo waasic ah ayuu u sameeyay, isaga oo dumiyay wax walba oo magaalo cidhiidhi ka dhigi kara, dhulal badan oo waaweyn ayuuna danta guud u banneeyay. Muddo dheer oo dambe bulshada labadaa magaalo abaal iyo mahad ayay ninkaa u haysay.

Afartan sannadood ka dib, maanta labadaa magaalo waxaa ka taliya dad u dhashay qabiil ahaan iyo degaan ahaanba. Laakiin maxaa dhacay? Dhulkii danta guud oo dhan dib baa loo iibiyay oo inta la lacageeyay baa la quutay, mar kale ayayna noqdeen iskuraran la gu dhex bakhtiyayo oo aan meel la gu neefsado iyo meel la maro lahayn. Adeerkaa baa ku iibsaday ee qabyaaladi wax ha kuu dhisto!

13. Maxamed Xaashi Cilmi markii uu muddo aad u gaaban Siilaanyo u hayay Wasaaradda Maaliyadda ayaa la eryay. Sababta waxaa la gu sheegay “nin la la shaqayn karo ma aha” – dhab ahaantii waxaa si cad loo yidhi “ninkani xisaabtan buu la soo taagan yahay”. Maalintaas baan anigu yaqiinsaday meesha in ay koox mindiyo iyo kolayo sidataa timid. Maantana waa taa. Dawlad bay is ku sheegayaan, dhab ahaan se shaqada qudha ee ay hayaan waa boobka dalka.

14. Qof xukuumadda mucaaraday in qabyaalad la gu tuhmaa waa qabyaalad aad u xun. Qofka mucaaradka dhaliilay in qabyaalad la gu tuhmaa waa qabyaalad aad u xun. Haddii la gu eedoobayo mawqifka siyaasadda dalka la ga taagan yahay iyo aragti la ga dhiibtay, sidee dawladnimada loo hagaajin karaa? Haddii ay dadka oo dhami muxaafid is ka noqdaan oo sida geela dhan u wada dareeraan, ama sida idaha is ka wada aamusaan, maxaa hagaagaya?

Bahashan dawladnimada la lee yahay waxba ka garan maynnee, inta aynnaan mar kale ku guban, cid ina barta aynnu dunida u ga yeedhanno.

– See more at: http://www.ramaasnews.com/index.php/News/Fikirka-Aqoonyahanka/Faallooyinka-siyaasadeed-ee-Ibraahin-Hawd-bartiisa-Facebook.html#sthash.StZogAqt.dpuf

Pin It