“DULMI DAADAHSHE” Q.2aad Qore: Ridwaan Maxamed Siciid

Miskiinkii Bariise waxa uu naftiisa ku samirsiiyey in hungurina calaf uu leeyahay aanay cid ka cuntaa aanay jirayn, naftana uu ku sabay in kalluunkani ninkii lahaa ee qoraalka looxa ilaashan ku qornaana  uu helay, isna dhulkaa Alle qaaday si uu dhuuni iyo dheef meel uun uga soo dhalaaliyo. Gurigiisii ayuu ku soo laabtay isaga oo murugo iyo masiibo aduunba wajigiisa ku feegarantahay, balse waxa la yidhi nin gabadh wanaagsani waligii ma iisho e , haddii la odhan lahaa raaliyo ayuu nin reer la galay tii kali ahayd ayuu hantay. Waa gabadh qorshe iyo quluud leh, gaari bila , saygeed boqra bilan haweenba intaa baro dhaafisay. Magac ka ama miskiin ee hooyadeedii dihatay waxay ugu Alle bariday Barwaaqo, malaha ilhaamin rabbi ayey ahayd boo waxay ahayd gabadh waaye aduun iyo walbahaarba loo kulan siiyey se laabta ay barwaaqada ka ahayd ku sadtay reerka ay dhexdinka u noqotay oo arkaaba moodayo in afarta maal aduunba ku soo xerootay. Markiiba dhugatay dheygaga iyo dhibaatada haysata saygeeda, waxay se ugu laab qaboojisay in ay tii Alle u maqan tahay , aduunyaduna tahay mar la helo iyo mar la waayaba , gurigooduna aanu ahayn war amaba se muuq baahiye ummada u lalin kara qatanaantooda. Laba ka mid ah caruurta labadan lammaane ayaa aad u gaajaysnaa waxana ay ku maaweelisay biyo kulul oo ay walaaqaysay ilaa ay ka gam’ayeen. Iyaduna dhagax ay dhexda ku xidhatay si ay in uun  boggeeda ugu soo taageero.

 

yyyyyyyyy

Bidixo waxa isla amintiiba loola cararay dhankaas iyo cisbitaalka magaca wayn ee Booga-dhaaye, oo ahaa mid naf xaga Alle laga soo doonay lagu baajin kari waayo maahaane inta kale cuud iyo cilaan saarba lagula tacaalo. Kibraanigii kalluunka taagtiisa iyo tamartiisaba la wada tilmaansan karo ayaa xiniyaha u siibay, waxana uu dhakhtarka uu ku dareerinayaa duruus ka mid kibirka iyo kadabkiisa danbe. Askariga suulkiisii dhakhtarkan oo mudo bil ahba lagu baxnaaninaayey bal in mar uu bilkhayr laga yidhaa sugaba, hoogiisibaa is miciinsaday mar haddii dhiigiisii tan iyo maalintii laga dhuuqay aanu ka istaagin. Dhakhtarkii yaabka ayaa shaqeeyey oo meel uu la ciirsaday ba waaye. Ayaamo haddii maaweeladii iyo maacuudintii lagu wadayna maalintii danbe Bidixo isaga oo maraya wareegyadiisii caafimaad mid ka mid ah ayaa waxa dhakhtarkii kaga yaadhay war uu qalbigiisu ku diirsan waayey, doonayna in xal kale looga wareego. Waxa dhiilo ku noqotay dhawaaqii kaga yeedhay dhinaca dhakhtarka ee ahaa…..La Soco

‪Dr.Ridwaan(Deyr)_Mohamed_Saeed

Email: ridwaandeyr@gmail.com

Pin It