“DULMI DAADAHSHE” Qaybtii 1aad: ‪Dr‬ Ridwaan (Deyr) Mohamed Saeed

Bariise waa miskiin walibana maal aduun inta uu magac ka leeyahay maalin na wax uu kaga hagar baxo aan ka helin, haddii uu saddexda wakhti ee maalintii wax la quuto uu mar reerkiisa wax u soo helo farxad iyo rayn rayn aduunyo isugu dhacdo.

10402638_10203936340189866_1294097062948273657_n

Waxa uu ku nool yahay magaalo xeebeed majaraha uu goostay boqor xoog iyo xeelad is biday oo naxariis iyo naruuro ay waayaba ka maqnaayeen. Waa bad-maax inta uu salaada hore badda galo wixii kadab ah ee lala soo kulansiiyo magaalada ula soo boqoola, maalin laga iibsado kalluunka iyo maalin dhankiisaba la soo dhawri waayo isku darsada. Boqorka kibraaniga ahi waxa uu intaa ku sii darsaday isaga oo ay ilaalo u yihiin rag isaga kibirka baro dhaafshay oo uu digreeto ku siiyay inay gar iyo gardarraba, garabsiin iyo garawshiiyo siinba dhac iyo dil waxay doonaan inaan dabo gal lagu samayn. Inta aadmigu aduunka ku nool yahay waxa hoga tusaalayn uu hogaan iyo hayaanba ka hilado ugu filnaa inta kibraani ee aduunkan soo maray se aan la dhiman iyaga oo aan mudan in abaalkood la mariyo mar ay ahaataba. 
Iyadoo uu boqorkani wali baala-xooftadii magaalada iyo amar-ku-taagleeyntiisii halkii kaga sii taagnaadaba, waxa timi in maalin maalmaha ka mid ah askartiisii darajada lagu duugay ee damaca iyo damiir xumada ku duudsiyi jiray xaqa aadmiga ay kormeer aan hore loo sii shaacin ku qaadaan marsada (dekada) uu miskiinkani ka qadhaaban jiray. Isla maalintan ay hawlgalka wadaan askartu waxa in badan badda ku maqnaa miskiinkii Bariise oo Malaay (Kalluun) wayn oo uu soo dabtay ku talo gal kiisu ahaa in aanu meel kale la marin balse uu ubadkiisii ilaa shalay subax wax dabka loo saaraa aanay jirin uu kaga farxiyo bogooda isku dhacayna ku soo yara toosiyo. Bariise markii uu saa uga soo baxay badda waxa judhiiba la kulmay Bidixo oo shaaruf cadayaasha askarka ka mid ah , ayna u been sheegtay xidigaha birta yar ka samaysan ee dhawrka sentimeter ah. Bidixo ayaa markiiba ku amray Bariise in uu ku soo wareejiyo kalluunkan uu ninkan miskiinka ahi sito. Miskiinkii Bariise ee hankiisu ahaa in uu caruurtiisa ka farxiyo ayaa muddo ilbidhiqsiiyo ku beegsan yara fakiray kadibna kalluunkiisii la tashaday oo ay ku heshiiyeen in uu askariga ka iibiyo kharashkana wax kale ugu bedelo ubadkiisa. Wuxuu ku wareejiyay kalluunkii Bidixo , dabeeto si u kas ah ayuu isaga dhaqaaaqay markuu kalluunkii gacantiisa ku hubsaday. Bariise oo is leh malaha kharashkii wuu isku ilaaway ayaa ka daba dhawaaqay askarigii si uu u xasuusiyo. Ileen wadhaf iyo shimbiro war iskuma hayaane Bidixo si ula kas ah ayuu ula dhaqaaqay , miskiin kani se kama’ in ay ka tahay ayuu moodayaa. Bidixo oo giir iska kicinaya ayaa daymo indho ku gubis ah ku soo daayay miskiinkii Bariise ahaa, hadal aanu ka filanayna kaga yeedhmay dhankii askarigan kibraaniga ah oo ku leeyahay “ waar lacag lahaane ,lugahaaga wax ka day intaan lafahaaga la ruugin”. Bariise xaalka ay sheekadu marayso waxba kama qaban karo , waa halkii ina Xagaa dheeree hadii uu hadlana lacag lagu siin maayo haddii uu aamusana kalluunkiisu u soo laaban maayo oo awood ayaa lagu maquurinayaaa.
Waxay hawshu halkaa martaba Bidixo wuxuu is bidayaa in uu dheef sito , se caqli gaabnimadiisu ma ay garan siin in uu dhac iyo dulmi uu sito. Waxa uu markiiba ku soo laabtay gaadhigii uu watay ee taarikada dawlada ee ciidamadu ku astaysneed , dhankiisa bidixna waxa uu dhigay kalluunka uu dhaca ku soo kasbaday. Illaah umada tan wuu isku eegayaa , midna awood iyo maal uma siiyo kala xigtaysasho iyo kala xasabaysasho toona, se wuu isku dayayaa waa halkii abwaanku lahaa:
“ Ma ogtahay curyaankaba, 
cago looma waayina, 
caynkaa waxa loo yidhi ,
kuwa cararayee ladan 
ha ku cibro qaataan”


Waxa si lama filaan ah Allaha casaa wajalaha ahi naf ugu afuufay kalluunkii oo gacantii uu kibraanigii Bidixo ahaa ku dhigay kalluunka dhinaciisa oo ahayd gacanta bidix suulkeedii kaga qaniinay ilkihiisii fiiq fiiqnaa, ninkii isaga ahaa ee san taagiisa laga fadhiyi la’aa waxa la tusiyay itaalkiisa iyo daciifnimadiisiiba.

la soco ……….
Dr.Ridwaan(Deyr)_Mohamed_Saeed

Email: ridwaandeyr@gmail.com

Pin It