Garoon Casri Ah Oo Hargeysa Laga Hirgaliyey

Garoon nooca kubada cagta lagu ciyaaro ah oo si heer caalami ah loo qalabeeyey ayaa laga furay xaafada shacabka ee Magaalada Hargeysa.
Xaflad xadhig ka jarid ah oo loo sameeyey ayaa waxaa ka soo qayb gallay masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka dhallinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka, Mudane Cali Siciid Reygal, Wasiirka xidhiidhka golayaasha , Mudane Cali Xaamud Jibriil, Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan iyo xubno kale oo xukuumada ka tirsan,Garoon Casri ah
Sacad Sheekh Muuse, oo ah Mulkiilaha garoonka ayaa haddal kooban oo uu bandhiga ka jeediyey , ugu horeyn ugu mahad celiyey cid kasta oo gacan ka geysatay hirgallinta hawshan uu ku tilmaamay inay ahayd “Riyo U Rumowday”.garoon casri ah oo shacab
Masuuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa dhamaantood ka marag kacay in garoomada casriga ah ee caasimada ka hirgalayaa yihiin waxtar weyn iyo arin loo baahnaa oo shacabka Somaliland waxtar u leh.garoon casri ah oo hargei
Garoomada rooga leh ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku soo badanaya caasimada Hargeysa, kuwaas oo maalin iyo habeenba loo ciyaar gudo oo ay kooxaha kala duwani ku balamaan ku ciyaaristooda.

Garoon-Casri-ah Garoon-Casri-ah-oo garoon-casri-ah-oo-h Garoon-casri-ah-oo-har garoon-casri-ah-oo-shacab Hargeisa-Garoon-Casri-Ah-655x360

Pin It