Salma Aadan Cabdi Ciise Oo Noqotay Gabadh Keliya Ee Ugu Sarraysay Dugsigayada sare Ee Somaliland

Hargeysa, 30 (Ogaal)-Salma Aadan Cabdi Ciise ayaa ka mid noqotay  tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, iyada oo ka  gashay kaalinta shanaad.

Salma Aadan Cabdi Ciise ayaa  noqotay ardayada ugu saraysa Dugsiga sare ee future oo ku yaala Magaalada Hargeysa, sidoo kale Salmi waxa ay noqotay Ardayada inanta ah ee ku jirta tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare  ee Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, taas oo ay ku kasbaday nasiib, karti iyo dadaal dheeraad ah oo ay u hurtaday waxbarashada mudadii ay wax ka dhiganaysay Dugsiga Sare ee Future.

 

Pin It