CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

“Anigu ma ihi Nin reer loo baryayo, Ciise waa Qaran Ninkii qolo u Haystow..Ugaas kaliya ayaanu leenahay, Xeer kaliya ayuu leeyahay iyo saddex waddan oo aan xad kaliya u kala dhaxayn,”

Saylac, 21 Jan, 2013 (Ogaal)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye iyo Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo daba-socda hadal wasiirka Arrimaha Guduhu ku sheegay in Beesha Ciise qaaddacday dedaal sulux ah oo ay ku qanciyeen, ayaa sheegay inaanay cid kale uga tanaasulayn maaayarnimada magaalada Saylac, waxaanay eedayn kulu u jeediyeen Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo sheegay in xukuumaddu aanay cidna u daba fadhiisanayn nabadgelyada dalka.
Cabdi Siciid Faahiye iyo Xildhibaan Aareeye oo shalay shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Saylac, waxa ay kala saareen dalabka xukuumaddu u soo bandhigtay iyo maayarnimada magaalada Saylac.
Cabdi Siciid Faahiye oo ugu horayn shirkaas jaraa,id ka hadlay waxa uu sheegay in arrinta Maayirka ay ogolayn oo ay diidan yihiin, waxaanu yidhi, “Nabadda cidna laga Iibsanmaayo oo Ciise inta uu qori qaato waa dagalamayaa ma odhan ee waa waxa aanu 20-ka sanno xaqa u lahayn. Caawa iyo Barriba waanu u fadhinaa oo 20-kaas sannaba wuu maqnaa saamigayagu. Laba nama wada qabato oo saamigii Beesha Ciise Agaasimayaal kuma lihin xataa oo wali waanu u fadhinaa. Ta Maayirka, waanu diidnay oo sidaas ayay u xidhnanaysaa,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye.
Xildhibaan Aareeye oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa soo qaatay taariikh beesha Ciise isaga oo ku dooday in beesha Ciise u hiilisay Soomaali oo dhan.“Hadday Soomaali naf-leedahay Gaalkii ayay dili lahayd, anaga ayaa halkaas ku dilnay. Waar aniga oo Soomaali oo dhan sidaas ugu soo halgamay oo gaalkii Jarmalka ahaa ku gubay Somaliland, in maantana la yidhaahdo aniga oo Qaran ah ka bax. Anigu ma ihi Nin reer loo baryayo ee Ciise waa Qaran,ninkii reer u haystow. Hadaan anigu is sheego waxaan Qarannimada uga jeedaa Ugaas kaliya ayaanu leenahay, Xeer kaliya ayuu leehay iyo saddex wadan oo xad kaliya u kala dhaxayn,”ayuu yidhi Xildhibaan Areeye.
Khilaafkan ka tagan Maayarnimada Degmada Saylec ayaa ah mid aanay xukuumada Siilaanyo ilaa hadda u helin wax xal ah, kaas oo weftiyo kala duwanoo xukuukamad ka socdaa ay dhawr jeer u tageen Magaalada Saylac sidii ay u soo damin lahaayeen khilaafka iyo muranka hadheeyay Golaha Degaanka ee Magaalada Saylac. Weftigii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maalmihii u dambeeye ku sugnaa magaaladaas, ayaa ugu dambayntii ku guul-darraystay i nay soo af-jaraan khilaafkaas oo ilaa immika aan la garanayn halka uu isugu biyo shuban doono.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE