CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo si dadban u Qaaddacay Tartanka Doorashada Deeganka

Hargeysa, 19 Sept, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabi, ayaa si dadban u qaaddacay doorashada goleyaasha deegaanka ee dhawaan dalka ka dhici doonta ka dib markii uu kalsoonni-darro ka muujiyey guddida doorashooyinka isaga oo xukuumadda iyo hay’adaha doorashooyinka maamulkooda gacanta ku haya u soo jeediyey inay cadaalad ku dhacdo doorashadu.

Guddoomiye Faysal waxa uu ka hadlay rejada uu ka qabo guul Xisbigiisu ka gaadho doorashada Goleyaasha waxaanu masuuliyaddeeda isaga riixay Murashaxiinta xisbiga, waxaanu kaga dhawaajiyey inaanay guusha doorashada u hibayn doonin cid kale haddii murashaxiinta xisbigiisu ka cawdaan cadaalad-darro lagu sameeyo.

Eng Faysal oo ka hadlayey madal telefishanka qaranku isagu keenay afar ka mid ah hoggaanka ururrada iyo Xisbiyada dalka oo kala ah Kulmiye, UCID, Xaqsoor iyo Rays isla markaana wax laga weydiiyey inay ku qancayaan doorashada, waxa uu kaga dhawaajiyey go’aan ka duwanaaday masuuliyiintii kale oo madasha ku sugnaa oo dhammaantood qiray inay u hoggaansamayaan natiijada doorashada ka soo baxda.

Guddoomiyaha UCID

Wariye Khadar Maxamed Cakuulle oo Eng. Faysal Cali weydiiyey rejada uu qabo in Xisbiga UCID ku soo baxo doorashada Goleyaasha Deegaanka, waxa uu ku jawaabay, “Haddii anagu sidii tii hore ee aanu iska dulqaadanay oo kale ay noqoto yeeli mayno, laakiin waa qasab inay shaqeeyaan Guddiga komishanka. Maanta Xisbiga masaarna ee waxay saran yahay laba boqol iyo shan iyo labaatankaas qof ee Hargeysa laga sharaxay ee ay ka soo baxayaan shan iyo labaatanka,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray, “Haddii murashaxiintu ay cawdaan oo ay yidhaahdaan waa nala musuq-maasuqay odhan mayno sidayadii nabad-galayada ayaanu ilaalinaynaa ee waxaanu odhanaynaa doorashada ha la baabi’iyo oo ha lagu celiyo, oo way dhaaftay wakhtigii aanu odhanjirnay danta dalka ayaanu horaysiinay oo anagu  aanu dilqaadanayno oo anaga waxay murashaxiintu yidhaahdaan ayaanu ku shaqaynaynaa.”

Guddoomiye Faysal waxa uu sii ta’kiidiyey mawqifka xisbigoodu ka taagan yahay natiijada doorashada, “Haddii mardanbe aan ogahay oo la musuq-maasuqay sidii kuwii hore, uma dulqaadan doono, ha igu soo talo-galina inaan idhaahdo duco ayaanu ku daraynaa oo nabad-galyada Somaliland ayaanu ilaalinaynaa. Intaas oo dhan waanu dulqaadanaynay oo maanta arrintu sidii maaha oo waxaad garanaysaan dadkaas lacagta ka baxday inta ay le’eg tahay oo waxa laga tagayaa majirto, dadka ku mamay musuq-maasuqana waxaan leeyahay maanta arrintu halkii mataagna oo waa laba boqol iyo shan iyo labaatan oo waa la garanayaa dadkaas lacagta ka baxday, majirto nin iska tagaaya.”

Guddoomiye Faysal waxa uu sida fiinta uga qayliyey su’aal laga weydiiyey haddii xisbigiisu ka noqon waayo saddexda Xisbi Qaran ee soo bixi doona, “Ha na odhan ma ogolaanaysaane, Koomishanka iyo dawladda waxaad ku tidhaahdaan ku dedaala inay caddaalad ku dhacdo doorashadu oo aniga ha igu soo talo galinina maanta inaan aqbalo,”ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Mar wariyuhu Weydiiyey guddoomiyaha su’aal u dhigneyd, ‘Waxaad tidhi dadka waxa wacan ee ay soo dhisaan baabi’iya ayaa ugu xun, ma UCID wixii ay soo dhistay ee tobankaas sanno dalka u ilaalinaysay ee ay u tanasulaysay, sow la is waydiin maayo Faysal maanta maxuu ogyahay,’ waxa uu ku jawaabay, “anigu baabiin maayo ee kuwa baabi’inaya oo xalay waxaan u soo taagnaa mar oo aan tagay Burco, waxa iga horyimi Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka oo Laascaanood ka so Ololeeyay, Guddoomiyhiina waxa uu noo dhaafay  Laascaanood. Wasaaradihii oo dhami way maqan yihiin, hadday tahay Xildhibaanadii iyo hadday tahay Wasiirradii oo layidhi nin walbawba reerkiinii dad ka keen, ma kuwaas ayaan caddaalad ka sugnaa oo hadhaw nidhaahnaa waanu aq-balnay,  aqbalimayno.”

Guddoomiyaha UCID isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Dawlada Kulmiye siday u dhaqano ayaanu u dhaqmaynaa. Anagu waxaanu ka baqaynaa maaha Ururada ee waxaanu ka baqaynaa Xisbiga Kulmiye oo horena lagu yaqaanay inuu wax boobo maantana dawladii hayo.”

Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa ku soo beegmaya wakhti ururrada iyo Xisbiyada siyaasadda dalka ku loolamayaa, ay si wada-jir ah u saxeexeen xeerka Anshaxa doorashada oo Guddiida Doorashooyinkuna goobjoog ka ahaayeen, in kasta oo Xisbiga UDUB iyo urur-siyaasadeedka NASIYE aanay qayb ka ahayn saxeexaas iyaga oo hore u shaaciyey inaanay ka qayb-galeyn tartanka Doorashada Goleyaasha Deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto dhammaadka bisha November ee sannadkan.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE