CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Guddoomiye Cirro oo Difaacay Sharcinimada labada Xil ee uu isku hayo

Hargeysa, 19 Sept, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Waddani isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa difaacay sharcinnimada labada xil ee uu isku hayo oo qaar ka mid ah ururrada iyo Xisbiyada siyaasaddu ku dhaliileen inuu Xilka Dawladda ee uu hayo kaga faa’idaysanayo danihiisa Siyaasadeed.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay inaanu jirin xoog ku qabsan labada xil ee uu isku hayo balse ay waafaqsan yihiin shuruucda dalka u dejisan maadaama uu labada sifo sharci ah ku yimi.

Guddoomiye Cirro oo shalay ka hadlayey munaasibad ururkiisu kula bahoobay urur-siyaasadeedkii Horyaal ee Qiimaynta Diiwaangelinta ku hadhay, waxa uu yidhi, “Waxaad beryahan warbaahinta ka maqlayseen rag malaha ayna xaaladdoodu yara fiicnayn, laakiin cudur-daar ka dhigta guddoomiyaha labada xil isku haya. Waddanku sharci ayuu leeyahay, distuur-buu leeyahay, shuruucda ayaa ina kala hagaya.Labada xil ee aan hayo labadaba sharci ayaan ku imi midna xoog kumaan iman, midna taangi kumaan iman, sida xabbadda loo ridana waliba ma aqaano,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu,

Waxa uu sheegay inay urur ahaan ku kalsoon yihiin natiijada iyo go’aanka guddida doorashooyinka ka dib marka ay doorashadu dhacdo, “Doorashadii way qabsoomaysa oo dhawr iyo toddobaatan cisho ayaa inaga xiga oo aniguna Guddoomiye ayaan ahaanayaa ninkii tartamaya ha tartamo, ninkii kalena ha ka baxo doorashada, waxaanu ku kalsoon nahay qaddarka Illaahay, waxaanu ogolanaynaa go’aan kasta oo komishanka doorashooyinku gaadho. Waxaanu ku kalsoonahay komishanka, waxaanu ku kalsoon nahay shuruucda, waxaanu u hogaansannahay sharciga,” ayuu yidhi waxaanu ugu baaqay ururrada iyo xisbiyada dalka inay u hoggaansamaan go’aanka Guddida doorashooyinka,” Waxaanu dhamaan ugu baaqayna ururadda kalena inay sharciga iyo Qaddarka u hoggaansamaan,” ayuu yidhi Md Cirro, waxaanu soo qaaday, “Ururka waddani waa urur sal-balaadhan oo xididdo dhaadheer ku leh dhamaan goboladda Somaliland, kamaba werwersanin sida uu xeerku tilmaamayo 20% in aanu gobolkasta ka helo,laakiin waxaanu rejaynaynaa inaanu gobolkasta 20% ka badsan,” ayuu hadalkiisa ku yidhi Guddoomiyuhu

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE