CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Oday Qaybe oo hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha Somalia ku sifeeyey Dibloomaasiyad uu kaga faa’idaysanayo Mideynaan la’aanta Beelaha Harti ee Somaliland

Hargeysa, 19 Sept, 2012 (Ogaal)- Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo hore u ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay Madaxwaynaha cusub ee dalka Soomaaliya uu ku sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya aan qori caaradii lagu midaynayn, waxaanu Odey Qaybe hadalkaasi ku tilmaamay Mid dublamaasiyadeed.

Axmed Maxamed Qaybe oo magaalada Hargeysa ka soo saaray qoraal kooban oo uu arrintak kaga hadlayo, waxa uu sheegay in Madaxwaynaha Somaliya og-yahay in beelaha Harti qaybo ka mid ahi saluugsan yihiin Somaliland taasina tahay ta uu soo xiganayo, waxaanu sheegay in beelaha Harti ee ka mid ahaanshahooda Somaliland diidan ay u wanaagsan tahay inay wax la qayb-sadaan wallaahooda Somaliland.

Qoraalka Odey Axmed Maxamed Aaden (Qaybe) soo saaray ayaa u dhignaa sidan, “Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku hadlay luuqad diblomaasiyadeed, waa runtii oo Somaliland iyo Soomaaliya qori caaradii laguma midayn karo, laakiin wuxuu ogyahay oo uu dugsanayaa inaanay Somaliland midaysnayn oo Harti ka maqan-yahay, iyagoo ay u fiicantahay (Harti) inay Somaliland ka mid ahaadaan, waayo hore ayaa loo yidhi; ‘ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto’. Markaadse sidaas ku tidhaahdid, waxay kuugu jawaabayaan Isaaq oo midaysan ayaa kala noqoshada Somaliland iyo Soomaaliya doonaya ee Daarood in la kala qaybiyo ma ogolin. Markaas aniga odoroskaygu waxa weeye in si arrinkan xal loogu helaa ay adag-tahay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan kula talinayaa bal adna isku day, waayo isku daygaa ka fiican inaad isku dayi weydo.”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE