Sheekh Shariif oo iska fogeeyey eedaymo loo jeediyey iyo Madaxwaynaha Somalia oo Difaacay
Muqdisho, 19 Sept, 2012 (Ogaal)- Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa weerarro ismiidaamin ah oo lagu qaaday Madaxwaynaha cusub ee dalkaas Xasan Sheekh Maxamuud kuwaasi oo lagu qaaday hudheel uu deggenaa intii aanu xilka la wareegin.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay inuu ka wayn yahay inuu Madaxda Soomaaliyeed u maleego shirqoolo lagu dilayo waxaanu sheegay in dawladda Kenya ee ku eedaysay falkaasi ka cadhootay waddamo kale oo uu ka gaadhsiiyay in aanay wakhtigii ololaha doorashada Soomaaliya dhexdhexaad ka ahayn.
Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ee xarunta dalkaas ayaa yidhi, “Waan ka weynahay inaan madaxda Soomaaliyeed dilo ama u qorsheeyo fal lagu dilayo iyo weliba dhibaateynta qof Somaali ah.”
Shariif Sh. Axmed waxa kale oo uu soo qaaday, “Marka fal noocan oo kale ah uu dhaco waajibka i saaran wuxuu ahaa inaan u gurmado oo aan ka soo saaro halkaas, taas ayaanan sameeyay,”ayuu yidhi, isaga oo waxaanu ka hadlay sababta Kenya ugu eedaysay falkaasi, “Intii ay doorashooyinku socdeen Kenya waxay wadday dhaqdhaqaaqyo ay aniga iigaga soo horjeeddo, dowlado badan ayaanan gaadhsiinay arrintaas oo aanu u sheegnay inay dhexdhexaad ka noqoto loollanka doorashada.”
Madaxweynaha Somalia oo isaguna arrintan ka hadlay, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Somalia uu sabab u yahay ammaanka ka jira magaalada Muqdisho, hawlo adagna uu u soo qabtay dalka Soomaaliya, sidaas awgeed aanay suuragal aheyn inuu ku kaco fal ammaanka wax u dhimaya isla markaana aanay aqbalayn in wax loo dhimo sharaftiisa.









