CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Marwadda koowaad Oo Dhagax-dhigtay xarun lagu daryeelayo agoomaha oo laga hirgelinayo Laas-geel

Hargeysa, 19 Sept, 2012 (Ogaal)- Marwada madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina-Weris), ayaa shalay dhagax dhigtay xarun cusub oo lagu daryeelayo Caruurta Agoomaha ah taas oo dhismaheeda laga hirgelinayo Degmada Laasgeel ee gobolka Saaxil.
Marwo Aamina Weris waxa socdaalkeeda ku wehelinayey Wasiir ku-xigeenka amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Cabdilaahi Abokor Cismaan, Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliland, Ku-simaha Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka Saaxil oo uu ka mid yahay maareeyaha Dekedda Berbera Cali XoorXoor iyo Gudoomiye ku xigeenka Saaxil.
Hadal ay munaasabad lagu qabtay goobta dhagax-dhigga ka jeedisay Marwo Aamina-Weris, waxay ku sheegtay in xarunta dhismaheeda oo Xukuumaddu hirgelinayso dhowaan la bilaabayo, una furan tahay inay ka qayb qaataan bulshada Somaliland, xilli ay marwadu shaqsi ahaan goobtaasi kaga dhawaaqday qaadhaan lacageed oo dhan 1,500 Doolarka oo ay ugu talo gashay inay kaga qayb qaadato tabarucaadka gaarka ah ee xarunta agoomaha ee dhismaheeda laga yagleelayo Degmadaasi Laasgeel.
Marwadu waxay xustay in xaruntani qayb ka tahay barnaamijyo horumarineed oo xukuumaddu ugu talo gashay Degmada Laasgeel iyadoo uga mahanaqday dadka iska xilsaaray sidii loo soo agaasimi lahaa qorshaha lagu doonayo in agoomaha degmadaas daryeel loo sameeyo loona dhiso xarun lagu xanaanayn doono.
Waxaa kale oo munaasabadaas ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiir ku-xigeenka amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Maareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye kuwaas oo ka hadlay doorka xukuumaddu ku leedahay ilaalinta iyo daryeelka dadka danyarta ah ee Somaliland gaar ahaan agoomaha, waxaanay dhinaca kale ugu baaqeen bulshada deegaanka inay ka qayb qaataan mashruucan oo ah mid ahmiyad u leh guud ahaan Somaliland gaar ahaana bulshada degmada Laasgeel.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE