CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Guddoomiyaha Golaha Guurtida soo Dhaweeyey Mawqifka Madaxweynaha Cusub ee Somalia ka Muujiyey Somaliand

Hargeysa, 19 Sept, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa khubad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey kalfadhiga 48aad ee Golahaas oo shalay si rasmi ah u furmay.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida waxa uu soo dhaweeyey hadal dhowaan ka soo yeedhay madaxweynaha cusub ee dalkaas Soomaaliya oo uu u rejeeyay inuu noqdo Madaxwayne nabadgalyo u horseeda dalkiisa iyo mandaqadda.

Saleebaan Maxamuud waxa uu sheegay in hadalkii ka soo yeedhay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu dib u bilaabayo wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya uu ahaa mid dib dibloomaasiyadeed balse isaga si gaar ah u soo jiitay. “Madaxweynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya haddal kooban oo hufan ayuu ku hadlay aniga aragtidayda oo uu yidhi, ‘Somaliland waxaanu ku wada dhaqmaynaa Siyaasad iyo wada-hadal.’ Waa hadal oday oo hufan Illahayna haka dhigo. Inaguna waanu la wadaynaa oo waanu soo dhawaynaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Guddoomiye Saleebaan waxa kale oo uu ka hadlay weerarkii ay ciidamada Liyuu booliska Kililka shanaad ku qaadeen deegaamada Xarshin, waxaanu rejeeyay in dhibaatadii halkaas ka dhacday xal laga gaadho isla markaana aanay dib u soo noqon.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,mar uu ka hadlayay doorashada golaha deegaanka,wuxuu  xildhibaanada golaha guurtida u soo jeediyey inay ka qayb qaataan sidii ay doorashadaasi si nabad-gelyo ah ugu qabsoomi lahayd waddanka, isaga oo sheegay in golaha guurtidu uu marxalado badan kala soo dabbaashay dalka isla markaana loo baahan yahay inay haatan guntiga u xidhaan ka midho-dhalinta doorashada Golayaasha Deegaanka ee u astaysan inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada bisha November ee sannadkan.

Kal-fadhiga shalay u furmay golaha Guurtida oo noqonaya kii 48aad ee golahaasi yeesho tan iyo markii la aasaasay, waxa mudaneyaasha fadhiga ka qayb-galay loogu qaybiyey Ajandaha uu xambaarsan yahay kalfadhigoodu kaas oo ka kooban qodobbadan:-

1. Warbixinta Shir-Gudoonka

2. Warbixinta Gudida Joogtada ah

3. Siyaasadda Gudaha iyo Dibada

4. Nabadgalyada iyo Horumarka oo ay hoos imanayaan.

    b) U diyaar garowga doorashooyinka Iyo Doorka Golaha  Guurtida

    t) Arrimaha Nabadgalyada iyo dhamaystirkooda gaar ahaan Bari iyo Galbeedba

5. Arrimaha Bulshada iyo arrimaha Garsoorka

6. Xog Waraysiyo lala yeesho Wasiirrada

    b) Wasaaradda Cadaaladda

    t)  Qorshaynta Qaranka

    j)  Arrimaha Dibada

   x)  Horumarinta Miyiga iyo deegaanka

7. Iyo Waxyaabaha kale ee soo kordha.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE