CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Golaha Wakiillada Somaliland iyo Guddida Doorashooyinka oo Siyaabo kala Fog uga hadlay Qodob Eedayn loo jeediyey Shirguddoonka Wakiillada

Hargeysa, 18 Sept, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha Gudida Cadaalada iyo xuquuqul insaanka Wakiiladda Md. CabdiRaxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa sheegay hawl-qabad la’guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi aanu xaq u lahayn labada xi lee uu isku hayo, isla markaana hawlihii golaha ay arrintaasi dabada hayso, balse waxa sharcinimada arrintan si ka duwan uga hadlay guddida doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo warbaahinta uga warramay natiijada kulan Albaabadu u xidhan yihiin oo xildhibaannada Golaha wakiilladu isku canaanteen wax-qabadkooda, waxa uu sheegay in madasha fadhigaa ay ka hadleen mudaneyaal dhawr ahi, isla markaana ay dhaliil kulul u soo jeediyeen shir gudoonka golaha wakiillada siiba gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isku haya gudoomiyeyaasha golaha wakiilada iyo urur siyaasadeedka Waddani.

Waxa kale oo mudaneyaashu shirkaa ay albaabadu u xidhnaayeen kaga hadleen isu imaatin la’aanta mudaneyaasha oo mudooyinkii u dambeeyay tiro yar kaga soo qayb galayey fadhiyada goluhu yeeshaan.

“Mudaneyaashii madasha ka hadlay waxay isku waafaqeen in mushkilada golaha wakiilada haysataa ay tahay shirgudoonka sababo dhawra awgood oo ay ka mid tahay Shir-gudoonka laftiisa oo labadii bilood ee u dambeeyey golaha aan ka soo xaadirin isla markaan olole doorasho ku jiray. Markaa waxaan leeyahay lanama xaadirin karo iyadoo maalin walba uu maqan yahay gudoomihii golaha wakiiladu,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay xildhibaanada qaar oo fadhigaas ka dhiibtay aragtidooda ku saabsan gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomihaya urur siyaasadeedka WADANI, waxaanuu yidhi, “Waxay mudaneyaasha qaar ka hadleen in gudoomiyuhu xilka ka tago ama uu si wanaagsan u joogo oo aanu laba yeelan ee uu qalbi kaliya yeesho .”

Lama saadaalin karo halka uu sal dhigan doono isla xisaabtankan ka bilaabmay golaha wakiilada oo bulshadii soo daaratay qaarkeed inata badan ku dhaliilaan wax qabad la’aan, lama hubo in kulanada noocan ahi sii socon doonaan maadaama oo aanay fadhigan go’aan rasmi ah ka gadhin.

Dhinaca kale, arrinta khilaafka ka abuurtay golaha wakiillada Dhexdooda ee khusay guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxa ka hadlay Afhayeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).

Afhayeenku waxa uu tilmaamay inay guddi ahaan ku shaqeeyaan shuruucda dalka isla markaana aanu jirin sharci ka hadlaya arrinta khusaysa labada xi lee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  isku hayo.
“Anagu waxaanu ku shaqaynaa xeerarka iyo shuruucda dalka u dajisan, arrinkaasina wax sharciya oo u yaala ma hayno sharciguna kama hadlayo arrinkaasi, wixii xeerku dhigayo ayuun baanu ku shaqaynaa,” ayuu yidhi Md Geelle oo shalay laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda VOA wax ka weydiiyey arrintan.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE