Dawladda Kenya oo Sh Shariif ku eedaysay inuu Qayb ka ahaa Qaraxyadii Lala Beegsaday Madaxweyne Cusub ee Somalia
Nairobi, 18 Sept, 2012 (Ogaal)-Wasiirka Arrrimaha Dibada dalka Kiiniya, Sam Ongeri, ayaa ka hadlay qarax ismiidaamin ah oo todobaadkii hore lagu qaaday Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo wefti reer Kiiniya ah oo isagu hoggaaminayo kula kulmeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo hotelkas Deggenaa
Mr Ongera oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, waxa uu sheegay in qaraxaas uu wax ka ogaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed isagoo ku sifeeyay inuu weerarkaasi ahaa mid muujinayay loolan xagga awoodda ah.
Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya, oo sababaynaya eedaynta uu u jeediyey Sh. Shariif, waxa uu sheegay inuu Hoteelkaas yimi wax yar ka dib markii qaraxu dhacay, isla markaana aanay ka muuqan saamaynta uu weerarkaasi ka geystay hotelka iyo masuuliyiintii ku sugnayd isla markaana tallaabadaasi caddeyn u tahay inuu wax ka ogaa qorshihii lagu fuliyey qaraxa.
Waxaa uu sheegay in Sheekh Shariif uu dawladda Kenya la xidhiidhay ka hor doorashadii madaxweynaha Soomaaliya isla markaana uu madaxda dalkaas ka dalbaday inay ka taageeraan doorashada Madaxweynaha si dib loogu soo doortay, balse ay Kenya u caddeysay in aanay taageereyn Musharax gaar ah, kana dhursugayso natiijada ka soo baxda doorashada.
“Doorashada ka hor Sheekh Shariif wuu ila soo xidhiidhay, wuxuuna iga codsaday in Kenya ay gacan ku siiso sidii uu mar kale ugu soo bixi lahaa doorashada maadaxweynaha Somalia, hase ahaatee waxaan ugu jawaabay in Kenya aanay shaqsi taageerey balse ay taageereyso madaxaweyne kasta oo Baarlamanka Soomaaliya soo doorto,” ayuu yidhi Sam Ongeri.
In kasta oo qaraxa ay sheegteen Al-Shabaab, hadana Kenya ayaa wali colaad u heysa Madaxweynihii hore Shariif oo horay uga hor-yimid in Kenya ciidamadeeda aanay oglaanshiyo la’aan ku soo gelin Koofurta Soomaaliya isla markaana ay iska soo galeen amar la’aan.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in Kenya ay u soo gashay Soomaaliya dano la xidhiidha dhinaca xeebaha Koofureed ee dalkaas oo ay damacsan tahay inay shidaal ka qodoto iyadoo xilligan ciidankeeda dagaallo kula jiraan Kooxda Islaamiyiinta Al-Shabaab.









