Wasiirka Gaashandhigga oo ka hadlay Eedaymo loogu jeediyey inuu Jabiyey Amar Madaxweyne
Hargeysa, 18 Sept, 2012 (Ogaal)- Wasiirka wasaaradda Gashaandhigga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay eedayn loogu jeediyey inuu bixiyey maaliyadda ku baxday soo bandhigista murashaxiinta doorashada Goleyaasha Deegaanka Gobolka Sanaag uga tartamaya Xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Wasiirka Wasaarada Gashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu sheegay in eedayntaasi tahay mid xaqiiqada ka fog oo aanay waxba ka jirin, haseyeeshe waxa uu difaacay hawl-galka ololaha ah ee Xisbiga Kulmiye ugu tagay gobolka Sanaag isaga oo ku dooday inaanay jirin sharciyad u diidaysa inuu Xisbiga ugu ololeeyo gaadiidka dawladda isaga oo hawl-qaran ku jira.
“Eedayntaasi asalka waa arrin xaqiiqada ka fog. Anagu waxaanu u tagnay oo aanaan qarinayn hawl Gobal, ajandahana way noogu jirtay wixii hawl ah ee lala qaban-karo (Kulmiye) wax sharciya oo noo diidi karaa ma jiraan oo waxaanu ka mid nahay Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Madaxdiisa ayaanu ku jirnaa oo wax naga xaraantimeynaya, dadka qaarna u baneenayaa ma jiraan,” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiggu, waxaanu intaas ku daray, “Waxa la diidayaa in dhaqaale iyo gaadiid ummaddu leedahay loo isticmaalo, laakiin sharci i odhanaya markaan Ceerigaabo hawshayda u tagayo oo hawl Ciidan u tagayo oo hawl Xisbi laftigeeda ii weheliso ee aan aniga oo aan ku gabbood falayn in sharcigu i odhanayo gaadhiga waxaad siidhigataa Magaalada Hargeysa ma jiro.”
Wasiirku waxa uu ku dooday inay sax tahay tallaabada uu ku adeegsaday gaadiidka dawladda, “Gadiidka dawlada sidaas aanu ku kaxaysanay waa si sharciga waafaqsan. Waa la jecel yahay in qofka masuulka ah la iska edeeyo oo macno-darro lagu edeeyo. Laakiin waxaan leeyahay aniga oo ka faa’idaysanaaya waayo arragnimada aan leeyahay, aniga oo garanaaya siday ii dhibaysay in Xisbiga awoodihiisa uu Cagaha inta uu doono uu fidsado oo aan u arkayey inay xaraan tahay iyo inay xeerka ku qoran tahay, uguma horayn doono inaan xalaaleeyo wixii aan u arkayey inay xaaran tahay,” ayuu yidhi wasiirku.
Waxa uu ka hadlay eedaynta loogu jeediyey inuu isagu bixiyey lacagta ololaha xisbiga ee murashaxiinta gobolka Sanaag, “Lacagta bixinteeda iyo qaaditaankeeda Xisbi ayaa qaabilsan oo waxay leedahay Guddi dhaqaale, waxa nala socday Guddoomiyaha Xisbiga iyo Ku-xigeenkiisuba,” ayuu yidhi wasiirka gaashaan-dhigga Somaliland.









