CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Golaha Wakiilada oo cod aqlibiyada ku Ansixiyay laba Xeer oo muhiim ah

Hargeysa, 18 Sept, 2012 (Ogaal) – Golaha Wakiillada Somaliland oo maalintii dorraad kooram la’aan hawshooda qaranka u gudan waayey, ayaa fadhi ay shalay isugu yimaaddeen ku ansixiyey, laba xeer oo kala ah xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka iyo xeerka waddo marista.
Fadhiga shalay oo ay ka soo xaadireen 42 Mudane, waxa shir-gudoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, waxaanay mudanayaashu cod u qadeen labadaas Xeer oo mid walba gaarkiisa loogu codeeyay. Xeerka ilaalinta Hilibka waxa ogolaaday 35 Mudane 2 Mudane way diiddeen halka afar kalena ay ka aamuseen, sidaasna wuu ku ansaxay. Xeerka labaad  ee waddo-marista waxa ogolaaday 35 Mudane, hal Mudane ayaa diiday waxaana ka aamusay 5 Mudane.
Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee  Golaha Wakiilada Md Baashe Maxamed Faarax, ayaa mudanayaasha ku wargeliyey in maalinta Sabtida ee bilowga todobaadka soo socota Goluhu yeelan doono fadhi ballaadhan oo ay cod ugu qaadi doonaan ansixinta Mas’uuliyiinta aan Golaha soo marin.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE