Iran oo Shaacisay Tallaabada la gudboon Hadii Suuriya la weeraro
Tehran, 18 Sept, 2012 (Ogaal)- Dalka Iran ayaa sheegay in la taliyeyaal ka socda ciidamada ilaalada Kacaanka Islamiga ah ay kaalmo aan milatari aheyn wakhitgan siinayaan Suuriya isla markaanaay xukuumaddoodu qaadan doonto talaabo military haddii Suuriya oo ay xulufo dhowyihiin dibadda laga soo weeraro.
Warmurtiyeed lagu baahiyey wakaaladda Wararka ee dalka Iran oo uu ku saxeexan yahay taliyaha ciidamada ilaalada kacaanka Mohammad Ali Jafari, ayaa ah mowqifkii ugu horeeyay oo dalka Iran si rasmi ah ugu qirato in ciidamo Milatary ka joogaan Suuriya oo dagaalo ka dhashay kacdoon dowladda ka dhan ah ka socdeen muddo 18 bilood kuna dhinteen kumanaan qof.
Warbaahinta Iran ayaa ka soo xigatay Mr. Jafari, isagoo leh in tira ka mid ah ciidamada sirdoonka Iran ee loo yaqaano Quds Force ay ku suganyihiin Gudaha Suuriya kuwaas oo uu sheegay Inay kaalmo dhinaca war-doonka ah u fidinayaan Xukumadda Suuriya.
Xoogagga Quds Force ayaa ah cutub ka tirsan ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran waxaana lagu eedeeyay inuu maleegay weerarro ka dhacay gudaha Ciraaq tan iyo markii dalkaasi uu ka baxay gacanta hoggaamiyihii dalkaas Sadaam Xuseen.
Taliye Jafari, sidoo kale waxa uu sheegay in weerar kasta oo Iran kaga yimaadda dhinaca Isra’iil uu keeni karo tallaabo aargudasha ah oo ay Iran ku qaaddo saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Gobolka, isla markaana ay khalkhal gali doonaan maraakiibta ganacsiga ee adeegsada Gacanka Istraatiijiga ah ee Hormuz oo u dhexeeya dalka Iran iyo dalalka Carabta qaarkood.









