CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Raysalwasaaraha Israa’iil oo Shacabka Maraykanka u ujeediyey Baaq ka dhan Doorashada Madaxweynaha

Washington DC, 17 Sept, 2012 (Ogaal)- Raysal-wasaaraha dalka Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa shacabka Maraykanka ah ugu baaqay inay codkooda siiyaan madaxweyne qorshihiisu yahay inuu weerar ku qaada dalka Iran isaga oo barnaamijka nukliyeerka ee Iran barbar dhigay dhacdadii weerarka is-qarxinta ah lagu fuliyey magaalada Oklahoma kaas oo ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Maraykanka gudihiisa laga fuliyo marka laga yimaaddo weerarradii 9/11.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee AFP, hadalka raysalwasaaraha Israa’iil ayaa u muuqda mid uu ugu baaqayo Yuhuudda ku nool dalka Maraykanka in kasta oo uu kaga dhawaajiyey inaanu si gaar ah u taageersanayn murashax gaar ah. Haseyeeshee isaga oo sida muuqata ku jahawareeray siyaasadda dalka Maraykanka ee uu hoggaaminayo madaxweyne Barack Obama, waxa uu isku dayey inuu ka faa’idaysto dareenka kacdan ee dunida Muslimku kaga dhiidhiday filimka lagu aflagaadeeeyey Nebi Muxammed (NNKHA).

In kasta oo xukuumadda Tehran ay shaacisay in Barnaamijkooda Nukliyeerku yahay mid nabadeed, haddana waxa uu sheegay inay Maraykanka nacasnimo ku tahay inuu rumaystay sheegashadaas.

Todobaadkii hore, Netanyahu waxa uu ugu baaqay Obama iyo hoggaamiyeyaasha kale ee dunida inay si waadix ah u bayaamiyaan heerka uu dalka Iran ku mutaysan karo weerar milatari oo lagu qaado. Balse Obama iyo la-taliyeyaashiisa sare, oo inta badan ku celceliya in arrinta Iran wada-hadal lagu dhammeystirayo, ayaa tilmaamay in xogaha laga helayo sirdoonada Maraykanka iyo Israa’iil oo iskaashanaya, ay sheegayaan in dalka Iraan aanu weli go’aansan inuu samaysay hubka wax gumaada.

Haseyeeshee, Netanyahu waxa uu ka biyo diiday fekerkaas, waxaanu sheegay in lix bilood oo kali ahi uga hadhsan tahay inay Iran hesho Yuraaniyam ay ugu baahan tahay inay ku samaysato hub nukliyeer ah.

Ninka Xisbiga Jamhuuriyaga uga tartamaya doorashada, Mitt Romney, ayaa hore u sheegay haddii uu ku guulaysto madaxtinimada, inuu dalka Iran ula dhaqmi doono go’aan ka qallafsan tallaabada maamulka Obama ku qaabiley arrinta Iran, waxaanu murashaxa Jamhuurigu shakhsi ahaan ula saftay Netanyahu oo uu sheegay inay muddo badan saaxiibbo ahaayeen.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE