CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Xukuumadda Somaliland oo Markii u Horreysay shaacisay Qorshe lagu joojinayo Fal-dambiyeedyada xalkooda loo maro Xeer-dhaqameedka, laguna Beddelayo Qawaaniinta Dalka

Hargeysa, 16 August, 2012 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay sheegtay inay dhibaatooyin isa soo tarayaa ka dhashaan faldambiyeedyada lagu xalliyo hababka xeer-dhaqameedka ee labada dhinac ee dhibaatadu dhexmartay raacaan isla markaana la dhaqan-gelinayo qawaaniin ka hortagaya inay sii bataan fal-dambiyeedyadaasi.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in nidaamka Xeer-dhaqameedka ah ee qofka dhibaatada la gaadhsiinay lagu xaalmariyo aanay horjoogsanayn inay joogsadaan fal-dambiyeedyadu isaga oo dhinaca kale xusay in nidaamkaasi inta bada lagu duudsiyo Xuquuqda qofkii waxyeellada la gaadhsiiyey.

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlayay Kiisaska la xidhiidha dhibaatooyinka iyo Kufsiga loo geysto haweenka, waxa uu sheegay in muddooyinkii u dambeeyey dacwadahoodu aad ugu soo badanayeen maxkamadaha Dalka haseyeeshee halkii nidaamka sharci ee dalka lagaga qaadi lahaa qofkii dambiga geystay ay ka heshiinayaan Odayaasha labada dhinac.

Wasiirka Cadaaladdu waxa uu xusay inay Xukuumad ahaan dhiirri-gelinayaan in kiisaska kufsiga la xidhiidha lagu dabbaqo qawaaniinta iyo shuruucda dalka u yaala.

“Kiisaska dhediga iyo Labka waxa markii hore lagu xalin jiray hab-dhaqankii hore. Runtii qofka ay dhibtu gaadhay inta badan Odayaasha ayaa ka wada-hadli jiray, waxaana la qaadan jiray wax la yidhaahdo xeer-dhaqameed ay qofka dhibtu soo gaadhay la marin jiray oo xaal ayaa lagu kala qaadan jiray. Xalkaasna inta badan Odayaasha iyo ragga ayaa shaah ka dhigan jiray oo xitaa qofkii dhibtu gaadhay waxba kamay gaadhi jirin dawo-na dhahoo. Inaynu qawaaniinteenii dhaqan galino ayaa loo bahan yahay sida Dawladuhu ay ugu dhaqmaan oo kale,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay in nidaamkaas hore ee Xeer-dhaqameedka ahi aanu horjoogsanayn Faldambiyeedyada, qofkuna isku halleynayo beeshiisa iyo odayaasha inay ka bixin doonaan magta dhibaatada uu geystay, isaga oo sheegay in dhammaan waaxda Garsoorka dalku isla qaadatay in la joojiyo nidaamkaas. “Ha’yadaha sharciga iyo xeerkuba inay adeegaan oo dabadeed qofkii la mariyo caddaalada ayaa ka haboon. Anagu taas ayaanu dhiiri-galinaynaa oo xaal yar oo uunbaa lagaa qaadi oo ay niyadiisa gasho adiga waxba maahee Odayaasha ayaa bixin doona, qofkii sameeyay waxba magaadhin oo inta badan Odayaasha ayaa ka bixiya oo ka wada-hadla ama wax hore oo dhacay ayaa lagu gudbaa oo la isku tuuraa oo wixi lagu gudbi karo waa lagu gudbayaa. Waxaanu dhamaan Wasaaradda, garsoorka iyo Cadaaladdu ay qabtaa in la joojiyo wixii hore oo wixii xeerka ugu yaala la mariyo, markaas ayuu fal danbiyeedkii istaagayaa,” ayuu hadalkiisa raaciyey wasiirku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Nasiib-daro waxaad moodaa waxaynu dhaqan u laahan jirin inay baryahan danbe inagu soo bateen. Tobankii sanno ama labatankii sano ayaa la maqlijiray inan ayaa inan meel miyihi ah ku kufsaday, laakiin Magaalada dhexdeeda ayuu ka dhacayaa tiro aan la malayn-karayn ayaa mar walba dhacaaya oo aad ayuu ugu badan yahay. Mana qabo inta uu sidaas yahay ee xaalka dhaqan wax lagu kala qaadanayo inuu istagaayo oo ninkii wax gaystay uu halkaas iska marayo, arrinaasi isma taagayso ilaa tallaabo sharci wax lagaga qabto.”

Tallaabadan xukuumadda Somaliland markii ugu horreysay ka dhawaajisay ayaa runtii u muuqata mid horjoogsan karta fal-dambiyeedyada la xidhiidha Kufsiga oo muddooyinkii u dambeeyey aad ugu soo kordhay magaalooyinkaas kuwaas oo marka dacwaddoodu Maxkamadda Gasho haddana sifo sharci-darro ah loogu warejiyo dhinaca Xeer-dhaqameedka oo aan xal u noqonayn in mushkiladdani joogsato


Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE