Madaxweyne Siilaanyo oo Culimada dalka ku Booriyey inay Bulshada uga digaan Dadka Fekerrada khaldan ka Faafinaya Diinta Islaamka
Hargeysa, 16 August, 2012 (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud ayaa Culimada dalka ku booriyey inay bulshada uga digaan shakhsiyaadka fekerka khaldan ka haysta diinta Islaamka ee dhalinyarada ku majaro-habaabiya ficillada Is-qarxinta.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada oo xalay casho-sharaf la qaatay culimada waaweyn ee dalka, waxa uu uga mahadceliyey doorka ay ku leeyihiin baraarujinta iyo samo-u-sheegga bulshada Somaliland isaga oo dhinaca kale culimada xog-warran ka siiyey Xaaladda Guud ee dalka.
Sidaa wax lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Daahir Cukuse, waxaanu u dhingnaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa caawa kulan Afur iyo Casho sharaf ah la qaatay Culimo aw diinka Reer Somaliland oo ka kala yimid 6-da Gobol ee Somaliland.
Kulankan oo ku qabsoomay qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ahaa kulan ay madaxweynaha iyo Culimo aw diinku ay yeesheen, kaas oo la xidhiidha is xog-waraysi iyo sidii ay culimado aw diinka Somaliland u xoojin lahaayeen nabadgelyada, ee ay awalba caadada iyo dhaqanka u ahayd culimada una ilaalin jireen nabadgelyada.
Kulankaa is xog-waraysiga ah, ka dib waxa Culimada hadal kooban oo mahadnaq iyo dardaaran u jeediyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo uga mahadnaqay culimo aw diinka sida qiimaha badan ee ay u soo ajiibeen kulankan, isaga oo madaxweynuhu culimo aw diinka xog-waran ka siiyey xaalada guud ee nabadgelyada dalka iyo doorka ay ku leyihiin ka culimo ahaan.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay Culimo aw diinka sida ay uga qayb qataan baraarujinta ay marwalba la garabtaagan yihiin mujtamaca reer Somaliland.
Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu kula dardaarmay culimo aw diinka inay meel uga soo wada jeedaan ugana digaan bulshada kuwa xumaha kula dhex wareegaya ee diinta sida qaldan u fahmay ee ma-jara habaabiya dhalin yarada aan qaan gaadhin iyo kuwa is garxiya ee argagixisada ah, isaga oo madaxweynuhu sheegay in ay marwalba ka wacdiyaan dhalinta wixii xun.
Culimo aw diinkuna waxa ay balan qadeen in ay meel uga soo wada jeesan doonan qarannimada Somaliland iyaga oo ku dheeraaday in nabadgelyadu tahay mid lagama maarmaan u ah qof kasta oo ku nool aduunka, haseyeeshe wixii ku waajib ah ee la xidhiidha wada shaqaynta xukuumad iyo shiciba ay diyaar u yihiin kana wacyi-gelin doonaan wixii dhawacaya nabad-gelyada.
Ugu danbayn waxa Madaxweynaha iyo Culimo aw diinku ay bulshada ugu baaqeen in ay ahaadaan dad meel uga soo wada jeeda jiritaankooda iyo nabadgelyadaba Dalka. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey xubno ka mida golihiisa wasiirada.”
Kulankan Madaxweynuhu ku qaabilay Culimo-awDiinta Dalka ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay iska xog-warraystay xaaladda dalka iyo doorka baraarujinta bulshada ee arrimaha Diinta Islaamka iyo fekerrada khaldan ee kooxaha qaarkood uga faa’idaystaan dhalinyarada inay sameeyaan ficillada is-qarxintu ka mid tahay.











