CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Xadhkaha Korontada ee Waddooyinka Sudhan oo Halis ku haya Dadweynaha iyo Hantida Gacsatada iyo Qorshe La’aanta Dawladda Hoose

Hargeysa, 16 August 2012 (Ogaal)- Xadhkaha korontada iyo Telefoonada shirkadaha Gaarka loo leeyahay oo ka lusha hareeraha waddooyinka waaweyn ee faras-magaalaha caasimadda, ayaa inta dhibaato ku keena bulshada xilliyada roobabku da’aan kuwaas oo sababa inay xannibaan waddooyinka ama khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba geysta.

Roobab xoog leh oo dabaylo watay oo shalay galab ka  da’ay Magaalada Hargeysa, ayaa waxyeello u gaystay xadhkaha korontada ee sudhan jidadka waaweyn ee Suuq-weynaha Waaheen  kaas oo sababay in markaliya dab ka kacay Xadhkaha oo dulmara Bacadlayaasha suuqaas kuwaas oo iyada oo tiro badan la sudhay bir ama loox aan itaalkoodu qaadi karin.

Waxa mar kaliya sas iyo baqdin ku bilaabantay gacantadii bacad-yaalka ahayd iyo dadkii ka adeeganayey Suuqa munaasibadda Ciidal-fidriga ee foodda innagu soo haysa, ka dib markii ay arkeen Holaha iyo dabka ka baxaya xadhkaha dushooda sudhan oo inta badan cabsida laga qabaa timaaddo wakhtiyada roobabku da’ayaan.

Isla markiiba waxa goobta ka soo xaadiray ciidamada ammaanka oo u kuur-galay haddii ay jiraan khasaare nafeed iyo maaliyadeed oo gubashada xadhkuhu sababeen. Ciidamada ammaanku iyaga oo ka duulaya khasaaraha ba’an ee ka dhalan kara xadhkaha gubanaya oo hoostooda ay yaallaan hantida ganacsato jeeb-yar ah, waxa ay isla markiiba la xidhiidheen hay’adda Korontada Dawladda iyo shirkadaha gaar loo leeyahay ee adeegyada korontada u fidiya bulshada si ay deg-deg uga gaadhaan khasaare ka dhasha xadhkahooda.

In kasta oo aanu shilkani wax khasaare ah sababin, isla markaana aan la soo sheegin khasaare nafeed oo roobkii shalay  oo da’ayey muddo 22 daqiiqo ah u geystay magaalada marka laga reebo awoodda dabayshii uu watay oo dhulka dhigtay dhirta ee xaafadaha magaalada qaarkooda, haddana dadweynihii goobta ku sugnaa waxa mar kaliya dareenkooda kiciyey cabsida ay ka muujiyeen halista xadhkaha korontada ee sida daryeel la’aanta waddooyinka dhinacyadooda u sudhan.

Dadweynaha ku sugnaa goobta shilkani ka dhacay oo ka hadlay khatarta Xadhkaha korontadu leeyihiin gaar ahaan wakhtiyada roobabtu da’aan, waxa ay ka digeen masiibo ka dhalan karta xadhkaha isla markaana waxa ay Dawladda Hoose ugu baaqeen inay tallaabo sharci ka qaaddo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xadhkaha korontada iyo kuwa telefoonnada qaababka sharci-darrada ah u dulmarinaya waddooyinka magaalada, waxaanay si gaar ah farta ugu fiiqeen halista xadhkaha korontadu ku hayaan Suuqa Waaheen oo ay taallo Hanti badan oo aan ka go’i karin umadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Dawladda Hoose ee Caasimadda oo inta badan ka gaabisay inay qorshe u samaysay Xadhkaha korontada iyo Telefoonada ee waddooyinka sudan, waxa wakhtigan inay wax ka qabato habacsanaanta iyo halista dul-hogata shaariyada magaalada oo haddii aan loo soo jeedsan galaafan karta nolosha dadka iyo Hantidoodaba.

Wasiirku waxa uu sheegay in wasaaradda Macdanta iyo Biyahu u xilsaaran tahay wixii biyo-gelin ama macdan qodis ah, isla markaana wasiirka wasaaradu u siman yahay umadda reer Somaliland oo dhan. Isagoo balanqaaday in cid kasta oo doonaysa inay arimahaasi kala hadasho uu albaabkiisu u furan yahay xitaa hadii ay yihiin xildhibaanadii sheegay war uu wasiirku ku tilmaamay mid aanay hubsan.

 “Sidaad la socotaan waxay wasaaraddu ka mid tahay hay’adaha dawladda ee ku dhaqma distoorka iyo shuruucda u deggan dalka mana jirto shuruuc ay jabisay  ama wasiirku dhinac maray, sidoo kale ma jirto meel uu wasiirka wasaaradu ku sameeyay eex, kala qaybin, sed-bursimo iyo kala takoorid bulsho, mana jirto lamana soo helayo meel uu wasiirku iskaga horkeenay ama colaad ka dhex abuuray xukuumada iyo beelaha Somaliland qarkood sida ku cad eedaynta xildhibaanadaas.Sida ku cad war saxaafadeedka xildhibaanada ma jirto meel Wasiirka Wasaarada macdanta tamarta iyo biyuhu colaad ka dhex abuuray bulshada wada degta Gobolka Togdheer, waxaana cad inay arrintu salka ku hayso cadhadii mulkiilaha ee wata danta gaarka ah ee aan bulshada ama Ummadda reer Somaliland u danaynay ee dantiisa gaarka ah wata isaga oo mulkiilaha shirkada Al naafuura cadeeyay inuu Wasaarada dagaal la gali doono haddii waxa uu doonaayo loo fulin waayo,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha.

Md. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sharraxaad ka bixiyey sida Ceelasha loo qaybiyey deegaamada kala duwan ee Somaliland, waxa uu Sheegay in Imaaraadka Carabtu dalka ka caawiyeen qoditaanka 18 ceel oo 10 ka mid ah laga qoday Jaleelo iyo Xumbo weyne oo loogu talo-galay inay daboolaan baahiyaha Biyaha xaafadaha Bariga iyo Koonfurta Caasimadda, halka 8-da ceel ee soo hadhayna uu sheegay in laga qoday magaalada Burco oo uu sheegay in si isle’eg midkiiba Afar Ceel loogu talo-galay Galbeedka iyo Bariga Burco.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ka warbixiyey qaybinta 12 ceel oo dawladda Kuwait ka caawisay Somaliland kuwaas oo uu sheegay in loo qaybiyey dhammaan lixda Gobo lee waaweyn ee dalka, kuwaas oo kala ah; [Awdal /Salal, laba ceel, Maroodijeex, laba ceel, Saaxil laba ceel, Sanaag saddex ceel, Togdheer laba ceel, Sool hal ceel]

Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu soo jeediyey inay bulsadu muhiimada siyaan danta qaranka, “Masuuliyiinta iyo dadweynaha reer Somalilandna  waxaan ka rajaynayaa inay gacan iyo taageero buuxda ku siiyaan qorshaha Wasaaradda ee ku wajahan ilaalinta danta guud. Waxaan markale cod dheer ugu yeedhayaa dadweynha waxgaradka, culima-awDiinka reer Togdheer inay ilaashadaan khayraadka biyaha oo aanay u dhag taagin durbaanada iyo dhawaaqyada xambaarsan caadifadda iyo danaysiga,” ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.


Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE