CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Cabashooyinka iyo Dhaliilaha Soo Kordhaya ee Garsoorka Dalka oo Kalliftay Kulan Deg-deg ah oo ay isku Keliyeysteen Xubnaha Guddida Cadaalaadda iyo Xog-warran Wasiirka Cadaladda

Hargeysa, 15 August, 2012 (Ogaal)- Dhaliilaha iyo Cabashooyinka isa soo taraya ee Maxkamadaha Dalka oo Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo hore u ballan-qaadday inay wax ka qabanayso isla markaana madaxweynuhu wax-ka-qabashadeeeda Guddi Xukuumadda iyo waaxda garoosrka isugu jira u magacaabay, muddooyinkii u dambeeyeyna ay cabashada dadweynuhu ku soo badanaysay Maxkamadaha, ayaa kelliftay inay shalay kulan kulan deg-deg ah oo Albaabadu u xidhan yihiin isugu yimaaddaan Guddida Cadaaladda Somaliland.

Waxaana Kulankan lagaga wada-hadlay dib-u-eegis nidaamka Garsoorka dalka iyo Sababaha Keena cabashooyinka dadweynuhu ka muujiyaan dhinaca Maxkamadaha.

Xubnaha Guddida Cadaaladda ee Shalay kulanka isugu yimi ayaa ka kooban Guddoomiyaha Maxkamada Sarre isla markaana ah Guddoomiyaha guddidan Yuusuf Ismaaciil Cali, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo guryeynta Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Xeer-illaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Ducaale.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta uga warramay ujeeddada kulankooda iyo sababta ka dambeysa ee wakhtigan ku soo beegtay, isaga oo sheegay arrimaha ay kulankaas kaga hadleen ku saabsanaa cabashooyinka Bulshadu ka muujiso Maxkamadaha dalka.

“Waxaanu halkan kula kulanay guddida Cadaalada, arrimaha laysku xilsaarayna waxay ahayd cabashooyin inta badan Dadweynaha ka soo baxay kuwaas oo la xidhiidha garsoorka iyo Maxkamada, waxaanu guddida cadaalada oo ah Ha’yadda u xilsaaran garsoorka isla eegaynay bal waxyaalaha kalifi- kara cabashooyinkan garsoorka ka taagan iyo meelaha ay ka iman- karraan. Ma aqoonta  ayaa kalifi-karta, ma dhaqaale la’aan ayaa kalifi-karta, ma xeerar qabyo ah ayaa kalif- karr, dhinacyo badan ayaa laga eegayay, markaa talo urursi ayaanu ahayn,”Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada cadaalada Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid.

Md. Xuseen Axmed Caydiid sidoo kale waxa uu sheegay inay kulankan kaga hadleen waxyaabaha Cadaalada carqaladda ku ah iyo tayeynteeda, waxaanu sheegay in hawshani ay muddo soconayso oo ay gaadhidoonaa Maxkamada, xeer-ilaalinta, qareenada iyo adeegyada sharciga, waxaanu yidhi.“Waxyaalaha Cadaaaladda qabyada ku keeni- karra iyo waxyaalaha carqaladda ku ah tayeynta cadaalada ayaa laysla eegayey waana arin muddo soconaysa, anaga oo guddida cadaaladana shirar kale yeelan doona, waxaanu gaadhi doonaa maxkamadaha, xeer-ilaalinta, qareenada iyo adeegyada sharciga si loo toosiyo dhibta dhaliishooda hadyo jeer ka taagan cadaalada ee inta badan soo noqonoqonaysa.”

Kulanka ay Guddidu isugu yimaaddeen oo ahaa kii ugu xaasaasinaa ee ay yeesheen ilaa wakhtigii la magacaabay ayaa, sida ilo-wareedyo u dhuun-daloola Waaxaha Garsoorka xaqiijyeen, keenay ka dib markii Kiisas Xaasaasi ah oo ay go’aamo ka gaadheen qaar ka mid ah Maxkamadaha kala duwan ee dalku ay cabashooyinkoodu gaadheen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud, taas beddelkeedana madaxweynuhu guddida ku amray inay guuud ahaan soo baadhaan gol-daloolooyinka garsoorka ee Bulshadu ka cabashada ka muujiyaan inta badan.

Dhinaca kale, warku waxa uu intas ku daray in khilaaf dhanka Awoodda ahi u dhexeeyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasiirka Cadaaladda Somaliland kaas oo iyana uu socdo hawl-gal khuseeya sidii la soo af-jari lahaa tuhunnadda dhinaca awoodda ah ee labada masuul u dhexeeya.

GHTime Code(s): nc nc nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE