Wargeyska Guardian oo wax ka qoray Nolosha iyo halka ay deggan yihiin Qoyska Orodyahan Maxamed Faarax
Gabiley, 11 August 2012 (Ogaal)– Weriye ka tirsan Wargeyska Guardian ee dalka Ingiriiska oo macagiisa la yidhadho David Smith oo booqday gobolka Gabiley ee Dalka Somaliland, ayaa wuxuu booqasho ugu tagay tuulo yar oo ay degen yihiin qoyska orodyahanka caanka ah ee dhalasahada dalka Britain haysta isla markaasna ka soo jeeda Somaliland Maxamed Faarax oo dhawaan ku guulaystay biladda dahabka ah ee orodka dheer ee tobanka kun mitir, taas oo aan ka fogayn magaalada Wajaale ee ku taala xuduudka Somaliland iyo Ethiopia.
Weriye Smith waxa uu faahfaahin ka bixiyay goobta ay ku nool yihiin qoyska Orod yahan Maxamed Faarax; “Tuuladda yar ee ay deggen yihiin qoyska Maxamed Faarax waxay ku taalla dhul gari go’an ah oo aan lahayn jidad toos ah oo gala, raadka keliya ee muujinaya inay tahay goob la degenyahay waa raadka gaawaadhida oo tuuladda yar cidhif cidhiidhi ah ka galaya. Goobta waxaan ku arkay dhawr sac, dameero ku raran xaabo, waxaa goobta ku sugna oo joogay Faysal Faarax oo ah wiil ka weyn orodyahanka Maxamed Faarax, wuxuu xidhnaa jaakeet buluug ah,” sidaas waxaa yidhi Weriye Smith. Isaga oo warbixintiisa sii watana waxa uu yidhi, “Sabtida todobaadkani (maanta) Maxamed Faarax waxa uu u tartamayaa orordka 5000 ee Mitir, walaalkii Faysal wuxuu uga soo daawasho tagi doona tuuladda yar ee uu degenyahay magaalada Wajaale oo ugu dhaw goob telefishan leh oo laga daawado. Waxaa safarkaasi Faysal Faarax ku wehelin doona hooyadood Amran oo iyadu deggen dhulka ka go’an magaalada wallow wiilkeeda Maxamed Faarax uu noqday Milyaneer laga yaqaan dunida inteeda kale, waxaanay Hooyo Amran ay ku biiri doonta boqolaal qof oo Wajaale ku daawan doona orodkiisa.”
Faysal Faarax waa 37 jir, waana Maxamed Faarax walaalkii oo Toboba Gu’ ka weyn, waxaana la kulmay Weriye Smith, “Markii uu ku guulaystay todobaadkii hore, waxaan u qarxi gaadhay sida banbaabadda oo kale farxad daraadeed,” ayuu yidhi Faysal Faarax
Isagoo hadalka sii wada wuxuu yidhi, “Markuu guulaystay waxaan la dabaal degaynay boqolaal qof oo tuuladda ku nool, waxaanu siinay hadyado hilib iyo qaad habeenkii oo dhana waa la qaylayey”
Maxamed Faarax waa ilmaha afraad qoys ka kooban sideed carruur ah, Faysal Faarax oo ka waramaya Maxamed Faarax markii uu joogay tuulada siduu ahaa wuxuu yidhi, “Waxaanu ahayn saaxiibo in kasta oo aan aad uga weynaa, waanu wada ordi jiray, laakiin mar walba wuu iga dheerayn jiray, kubadda ayaanu wada cayaari jiray, wuxuu ahaa nin cajiib ah.”
Qoyska uu ka soo jeedo Maxamed Faarax aabahood wuxuu ahaa nin ganacsade ah, waxaanay ku noolayeen nolol wanaagsan, waxay lahaayeen guri daar dhagax ah, laakiin dagaalladii ka dhacay Soomaaliya sannadahii 80-maadkii ayaa ku kelifay inay qoyska noloshoodu sidoo kale ay burburkaas la ciirto, wakhtigaasi waxay degenayeen muqdisho, markii dhinaca Somaliland xaaladdu degtay ayey yimaadeen Somaliland iyagoo nolosha ka bilaabay meel hoose. “Waxaanu noqonay qoys faqiir ah, noloshii waxaanu ka bilawnay meel hoose, horaantii 90-aadkii Maxamed Faarax wuxuu raacay qoyska adeerkii oo uu la degay magaalada Jibouti,”
Intaa wixii ka danbeeyeyna wuxuu la noola adeerkii oo korsaday iyagoo markii danbana soo wada gallay dalka boqortooyada ingiriiska. Faysal oo la weydiiyey inuu mar doonayo inuu walaalkii la noolaado wuxuu yidhi, “Haa, walaalkay wuxuu helay nolol fiican, laakiin anigaan jeclayn inaan Yurub tago, waxaan labada ka doorbidaa oo aan ka jecelahay nolosha miyiga oo aan ku soo ceeshay”.
Faysal Faarax wuxuu sheegay in walaalkood qoyska usoo dhisay ugu yaraan laba guri, “wuxuu noo soo dhisay laba guri oo dhagax ah, noloshayaduna hadda aad ayey u wanaagsantahay,” ayuu yidhi.










