CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Mudaharaadyo Lagaga soo Horjeedo Maamulka goboleedka Puntland Qaramada Midoobay oo ka Dhacay Degmada Taleex

Taleex, 09 August, 2012 (Ogaal)- Banaanbaxyo lagaga soo horjeedo  Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga, ayaa ka dhacay Magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Mudaharadka oo  ay ka soo qaybgaleen dadweyne tiro badan, ayaa  sida la sheegay lagu diidanaa farogelin ay labada masuul ku  sameeyeen arrimaha siyaasada ee shacabka deegaankaas.

Dadka banaanbaxayay ayaa ku qaylinayay eryo lidi ku ah Madaxweyne Faroole iyo  Dr Mahiga, iyaga oo gubay sawiradooda, iyaga oo socod ku soo maraan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Taleex, waxaana ay ugu baaqeen Puntland iyo Qaramada Midoobay in ay joojiyaan dhibaatada ay ka wadaan deegaankooda.

Isu  soo baxan oo aanay ka dhex muuqan maamulka kooxda Khaatumo, ayaa  waxa dadka khudbadu u jeediyay  madaxda ururada bulshada rayidka, kuwaasoo ku baaqay si nabad ah loo raadiyo xuquuqda dadku ay tabanayaan in ay ka maqan tahay ee dhanka siyaasada oo ay gacanta kula jiraan dhinacyo kala duwani.

Maryan Maxamed  Geelle oo ka ahayd dadka mudaharaadayay, ayaa warbaahinta u sheegtay  in ay ka biyo diideen  farogelinta maamulka goboleedka Puntland iyo Qaramada Midoobay ku hayaan dhulkooda.

“Faroole iyo Mahiga nooma taliyaan, waxaanu haysanaa madaxbanaani, wixii aanu xaq siyaasadeed u lahayn iyagaa  leh anagaa hayna ee na dabagala, dadka reer Taleex dhiiggoodu ma siinayo in ay u dulmanaadaan wax socda,” ayay tidhi Maryan Maxamed.

Waa markii ugu horeysay ee mudaharaad ka dhan ah maamulka goboleedka Puntland ka dhaco degmada Taleex  oo saamayn siyaasadeed ku lahaa14-kii sanno ee la soo dhaafay.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE