CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Somaliland: Xoolihii ugu badnaa Geeska Afrika oo muddo kooban lagaga tallaalay Cudurka Susunka

Hargeysa, 08 August 2012 (Ogaal)- Tiradii ugu badneyd ee muddo laba bilood gudahood ah Xoolaha mandaqadda Geeska Afrika lagaga tallaalo cudurka Susunka, ayaa hawl-galkooda laga fuliyey Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir ayaa ka warbixiyey hawl-gal xoolo gaadha Afar Milyan (4,000,000) oo neef lagaga tallaalay cudurka Susunta ee xoolo ku dhaca kaas oo uu sheegay inay tahay tiradii ugu badneyd ee muddo kooban laga tallaalo Xoolaha Somaliland  ama mandaqadda Geeska Afrika.

Dr. Cabdi Aw-daahir oo waxa uu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiska, isaga oo sheegay in Bisha Ramadaan kadib ay bilabayaan hawl-gal ay Xannuunka Qufaca ka tallaalayaan Riyaha isaga oo taageerada mashruucaas uga mahad-celiyey Ha’yadda FAO oo tilmaamay inay gacan wayn ka gaysatay sidii loola Dagaalamilahaa Cudurka Susanka,

“Waxa la tallaalay xoolo dhan Afar Milyan oo neef (4,000,000) oo ah tiradii ugu badnayd ee Laga Tallaalo Somaliland ama Geeska Afrika Muddo laba Bilood ah, waxa taas dheer hawl shaqo oo ka horaysay oo lagu daweenayey Xoolo dhan shan boqol oo kun oo neef (500,000), markaa waxaynu doonaynaa inaynu ku furno Tallaal kale oo nooc kale ah oo laga dawaynayo Riyaha, kaas oo layidhaahdo Qufaca, dhaqsana u bilamaaya wakhtiga Ramadaanta dabadeed. Tiradeeduna ay dhan tahay hal malyan oo neef(1,000,000),”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr.Cabdi Aw-daahir.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Dr. Cabdi Aw-daahir waxa uu hadalkisii siiraaciyey, “Waxa aan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa Ha’yadda FAO. Waxaan halkan kale ee aan uga mahad-celinayaa Maxamed Jaamac iyo tiimkiisa oo qabilsan Somaliland Ha’yadda FAO sidii fiicnayd ee ay hawshaas uga qayb-qaataan iyo shaqaalaha Xannanada Xoolaha oo door wacan ka qaatay, suurta galiyeyna labadaas bilood inay hawl-gal ku fuliyaan adhigaas afarta milyan ee neef inay tallaalan.”

Wasiirku waxa uu sharaxaad ka bixiyey dadka ka hawl-galla Wasaarada Xannaanada Xoolaha, waxaanu sheegay inay dhamaan shaqaalaha ka hawl-galla Wasaarada Xannaada Xolaha Soaliland ay yihiin dhalinyarada ka soo baxday Jaamacadaha, Dugsiga Sheekh iyo Dalka Itoobiya, isaga oo xusay inay tallaabadaas u qaadeen si ay ula dagaalamaan shaqo la’aanta, waxanu yidhi, “Dhalinyarada shaqaalaha ah ee ka soo baxay Dugsiga sare ee Sheekh, Jaamacada Burco iyo Arday ka timi Itoobiya oo firfircoon oo runtii nasiib anagana noo ahayd inaanu qaadano laba lod oo tiradoodu tahay Siddeetan shaqaale ah, Taas Illahay ayaa Mahadeeda leh iyo Madaxweynaha Somailand Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo naga aqbalay in Siddeeetan shaqaale oo cusub oo isugu Xirfadlayaal dhakhaatiira iyo Kalkaaliyaal, in afartan aanu qadano Sannadkan.kal horena waxaanu qadanay afartan, sida arday ka soo baxayJaamacada dalka iyo Dugsiga Sheekh.”


Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE