CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Golaha Wikiillada oo cod aqlabiyad ah ku Ansixiyey Wax ka beddel lagu sameeyey Xeer Caqabad ku ahaa Qabsoomidda Doorashada

Hargeysa, 08 August 2012 (Ogaal)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka beddel iyo kaabis lagu soo sameeyey afar qodob oo ka mid ah Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanka oo uu u soo gudbiyey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Wakiillada Somaliland shalay u qabsoomay ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday,  waxa shir-guddoominaayey Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Mudaneyaasha u soo jeediyey inay cod u qaadaan wax ka beddel iyo Kaabis lagu sameeyey afar qodob oo ku jira lifaaqa shanaad ee xeer No 20 oo Guddida doorashooyinku soo jeediyeen in dib loogu noqdo.

Guddoomiyaha oo furitaankii fadhigaas hadal ka jeediyey waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxa Goluhu ansixiyey, wax-ka-beddel iyo kaabisna ku sameeyaya Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanka lifaaqiisa afraad. Madaxweynaha Somaliland lifaaqa afraad ayuu saxeexay, waxaanu dhaqan geliyey 15-kii July, hase yeeshee iyadoo la tixgelinayo Codsiga Guddida doorashooyinka qaranka oo soo jeediyey in Astaanta lagu bedelo Nambarka, iyadoo qabsoomida Doorashooyinku ay muhiimad wayn u leedahay hannaanka dimuquraadiyada Somaliland, iyadoo laga fogaanayo caqabad kasta oo doorashada dib u dhigi karta, Waxa Madaxweynaha Somaliland uu ka dalbaday Golaha wakiillada Somaliland inay iskugu yimaadaan Fadhi aan caadi ahayn si ay waajibaadkooda distooriga ah uga gutaan Lifaaqa 5-aad ee Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka Somaliland,” Ayuu yidhi Guddoomiyaha  Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Cirro). Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo cod u qaaday lifaaqa 5-aad ee Xeerka Doorashooyinka Somaliland ayaa waxa fadhiga ka soo qayb-gallay 52 mudane, waxaana ogolaaday wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka 37 mudane, waxaana diiday 5 mudane halka 12 xildhibaanna ay ka aamuseen, Guddoomiyuhuna ma codayn, sidaana waxa ku ansaxay lifaaqa shanaad ee Xeer No. oo dhigaya in Nambarro la siiyo murashaxiinta u tartamaya Doorashooyinka Madaxtooyada Goleyaasha Deegaanka.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE