CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Borama: Tartanka Xifdiga Quraanka Kariimka oo la soo gabogabeeyay iyo Magacyada Ardayda kaalmaha hore ku guulaysatay

Boorama, 08 August, 2012 (Ogaal)- Tartanka Qur’aanka Kariimka Bisha Ramadan oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa shalay lagu soo gebo-gabeeyey magaaladaas iyada oo loo sameeyey munaasibad ballaadhan oo amaal-marinno kala duwan lagu guddoonsiiyey ardaydii ku guulaysatay.

Gunaanadka Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo lagu qabtay Masjid Jaamaca magaalada Boorama, waxa ugu horreyn ka hadlay Sheekhul baladhka Borama Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka warbixiyey fadliga uu leeyahay Barashada iyo Dhigista Qur’aanka Kariimka ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in tartanka shalay la soo gabo-gabeeyey uu ahaa kii todobaad ee wakhti Bisha Ramadan la qabto sannad kasta kaas oo loo qabto Ardayda wax ka barata Dugsiyada Qur’aanka lagu barto ee magaalada Borama.

Sheekh Cali aw-Nuur oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Borama isla markaana ka tirsan guddida Qaban-qaabada Tartanka oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in tartanka ay ka qayb-galeen 256 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaas oo lagu soo kala xusay sida ay Qur’aanka Kariimka u kala xifdi badan yihiin, gunaanadka tartankana ay ka soo dhex baxeen 38 arday oo isugu jira wiilal iyo gabadho.

Sheekh Cali aw-Nuur oo ka tirsan xubanaha guddida qaban-qaabada Tartanka Qur’aanka kariimka ee Sannad kasta magaalada Boorama lagu qabto, waxa uu sheegay in guud ahaan abaalmarinnaha kala duwan ee ay Guulaystayaasha ugu talo-galeen ku baxayso lacag ka badan $10,000 oo uu sheegay inay inta ugu badan ka soo ka helaan ganacsatada gobolka Awdal iyo shakhsiyaad uu sheegay inay Qurbe-Joog iyo Haween isugu jiraan kuwaas oo uu ka carrabaabay Sheekh Maxamed Cabdi oo dalka Jabuuti u dhashay kaas oo uu sheegay inuu Sannad walba ku tabaruco lacag dhan $1,500 (kun iyo shan boqol oo Dollar). Waxa kale uu xusay lacag uu wakiil ka yahay Aadan Cabdilaahi Allaale oo ku nool dalka Maraykanka.

Sheekhu waxa uu u duceeyey cid kasta oo ka qayb-qaadata dhiirri-gelinta tartanka noocan ah.

Xaaji Cabdiqaadir Aadan Nuur oo ku hadlayay magaca ganacsatada Awdal ee ka qayb-qaadatay taageerada tartanka Qur’aanka Kariimka ah, ayaa tilmaamay guusha Adduunyada iyo Aakhiroba ku jirto in la qabto lana taageero tartanka noocan ah.

Waxaa xusid mudnayd intii ay munaasbadani socotay waxaa indhaha dadwaynihii ka soo qaybgalay soo jiitay wiilkii ugu da’da yaraa oo ka mid ahaa ardaydii ka qayb gashay tartankan da’diisuna 7 Sanno Jir oo magaciisa Adam Maxamed Adam oo ka mid ahaa Ardaydii halkaas wacdaraha ka muujisay.
Gabogabadii munaasabadan ayaa waxaa halkaas abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha Xifdiga Soddonka Jis, Shan iyo Tobanka Jis Iyo Shanta Jis ee Quraanka Kariimka waxaana ku guulaystay Ardayda hoos Ku Qoran.
Wiilasha Soddonka Jus ee Quraanka Kariimka u tartamay
1.  Maxamed Xuseen Faarax = 98.6%    /$600  +Shahaado + kitaab Quraana
2.  Xaamud   Dayib    Axmed  = 98.3% /   $500 + Shahaado +Kitaab Quraana
3.  Axmed    Cali    Cusmaan   = 97.8%  /  $ 400 +  Shahaado + Kitaab Quraana
Kaalmaha   Gabdhaha   Soddonka Jis Ee Quraanka Kariimka
1. Suleekha Adam C/laahi    =   97.66%  /$600 +Shahaado + kitaab Quraana
2. Fadxiya  Maxamed Diiriye = 95.33%  / $500 + Shahaado +Kitaab Quraana
3. Aamina Cusmaan    Cabdi  = 94.3 %    /  $ 400 + Shahaado+ Kitaab Quraana
Kaalmaha Wiilasha   Shan Iyo Tobanka Jis  Ee Quraanka Kariimka Abaal Marinta Ku Guulaystay
1.  C/risaaq Maxamed Cismaan  = 99.8%  /  $500  + kitaab Quraana
2.  Yacquub  C/raxmaan C/laahi  = 98.8 % /  $ 400  + kitaab Quraana
3.   C/shakuur  Raage  Muuse  = 97.8 %  / $ 300  + kitaab Quraana
Kaalmaha Gabdhaha   Shan Iyo Tobanka Jis  Ee Quraanka Kariimka Abaal Marinta Ku Guulaystay
1.  Aasiya Maxamed  Cabdi   =  98.66%  /  $500  + kitaab Quraana
2.  Raxma Ismaaciil  Yaasiin = 97.8 %    /  $ 400  + kitaab Quraana
3.   Safiya  Maxamed Nuur = 97.1 %     / $ 300   + kitaab Quraana
Kaalmaha Wiilasha   Shanta  Jis  Ee Quraanka Kariimka Abaal Marinta Ku Guulaystay
1.  Daahir Xuseen Daahir   =  100% /  $400  + kitaab Quraana
2. Cabdiwaasac Cabdiraxmaan Axmed = 99.5% /  $ 300  + kitaab Quraana
3.  C/wahaab Muuse Cumar  =  99.3% /  $ 200   + kitaab Quraana
Kaalmaha Hablaha u tartamay Shanta  Jis  Ee Quraanka Kariimka iyo Abaal Marinta ay Ku Guulayseen
1. Asma   Daahir Axmed =  99.8% /$400  + kitaab Quraana
2. Nimco Maxamed Cali  =   99.3%  /$ 300  + kitaab Quraana
3. Najaad C/naasir  Maxamed = 99.1 % /$ 200   + kitaab Quraana
Sidoo kale waxaa iyagna halkaas laga siiyay ardayda kaalmaha Afaraad, Shanaad,Lixaad, Todobaad Iyo Siddeedaad Abaalmarino cadaynayay ka qayb-galkooda iyo kaalmaha fiican ee ay soo gaadheen.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE