Waddankii ugu horreyay dalalka Reer Galbeedka oo Somaliland Xafiis dibloomasiyadeed ka furtay
Hargeysa, 07 August, 2012 (Ogaal)- Dawladda Denmark ayaa noqotay Dawladdii ugu horreysay waddamada Reer Galbeedka gaar ahaan qaaradda Yurub ee Xafiis dibloomasiyadeed ka furta Somaliland isla markaana u soo magacaabay masuulkii xafiiskaas uga wakiilka uga noqon lahaa.
Wasiirka Wasarada Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxmed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in Dawlada Denmerk ay Somaliland u soo Magacawday Wakiil dawladaasi u fadhiyi doona Somaliland oo lagu magacaabo Mr. Soren Skou Rasmussen.
Waxa uu Wasiirku hadalkan ka sheegay Kadib kulan dheer oo uu shalay la qaatay Wakiilkasi, iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan furitaanka Xafiiska Wakiilka Dawlada Denmark..
Dr. Maxmed Cabdillaahi Cumar oo warbaahinta Faahfahin ka siiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxa uu tilmaamay in dawlada Denmark ay go’aansatay inay wakiil rasmi ah ku yeelato Somaliland isla markaana uu u yimid sidii uu hawlihiisa u bilaabi lahaa, waxaanu xusay in arrintani ka danbaysay wada-hadal muddo dheer qaatay oo dhex maray dawladaha Somaliland iyo Denmark.
Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa uu sheegay in hawlaha u weyn ee uu Wakiilkani qaban doono ay ugu mudan yihiin in uu kobciyo iskaashiga labada dal Denmark iyo Somaliland oo Khaasatan u badan dhinaca Horumarka, Iskaashiga iyo Arrimo dhinaca Nabadgelyada la xidhiidha, isagoo intaas ku daray inay sharaf weyn u tahay in dawladdii ugu horeysay ee Reer Yurub ay Somaliland ka furato xafiis rasmi ah oo wakiil ka noqonaya danahooda iyo Iskaashiga ka dhexeya.
Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland waxa kale oo uu sheegay in Dawladda Ingiriisku dhawaan Xafiis ka furanayso Magaalada Hargeysa oo ay imika hawshisii gebo-gebo tahay.
“Sida laga warqabo waxaanu dhawaan filaynaa inuu soo dhamaado hawlihii farsamo ee lagu diyaarinayey Xafiiska ay iyaguna soo dagilahaayeen Wakiilka Dawlada Ingiriiskaee u fadhiyi lahaa Dawlada Somaliland oo isaguna imika gebo-gebo ku dhaw, waxaana la filayaa in Masuuliyiintaasi ay dhawaan hawsha halkan ka gudanayaa yimaaddaan,” ayuu yidhi Wasiirku isaga oo intaas ku daray, “Arrimahani runtii waxay ku soo beegmeen xilli Cilaaqaadka iyo is-kaashiga Somaliland ay la leedahay Dunidu uu aad u kordhay, hadday tahay Afrika, Yurub, Wadamada Carabta intaba inuu aad u kordhay. Waxaanu rajenaynaa inay Dalal kale ay iyaguna ku dayan doonaan Dawladda Denmark iyo Dawladda Ingiriiska oo iyaduna halkan Xafiis ka furanaysa.”









