CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Dawladda Jabuuti oo Dokumentiyadeeda Socdaalka si rasmi ah ugu dartay Baasaboorka Somaliland

Jabuuti, 07 August, 2012 (Ogaal)- Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa aqbashay in lagu galo dalkeeda baasaaboorka Somaliland, waxaana uu si rasmi ah uga mid noqday dukmentiyada socdaalka ee laga aqoonsan yahay dalkaas.

Arrintani ayaa daba socotay fulinta heshiis ay hore madaxda labada dal isula qaateen in baasaaboorka Somaliland ka mid noqdo dhukmentiyada la aqoonsan yahay ee lagu gali karo dalka Jabuuti.

Baasaaboorka Somaliland ayaa horeba loogu tegi jirey dalal dhawr ah oo dunida ah, waxaanay taasi ka dhigaysa in ay Jabuuti ku soo biirtay dalalka aqbalay baasaaboorka Somaliland ee Geeska Afrika sida Itoobiya, Kenya, Yugaandha iyo Koonfurta Suudaan.

Weriye Yuusuf M. Xasan oo isagu waqtigan baasaaboorka Somaliland ku tegay Jabuuti ayaa ka warbixinaya sida Xukuumadda Jabuuti uga aqbashay inay aqbasho.

“Aniga oo ku sugan waqtiga huteelka Menelik ee Jabuuti ka dib markii aan ku soo galay baasaaboorka Somaliland oo si niyadsan ay u aqbaleen saraakiisha socdaalku iyaga oo aan wax su’aal ah ka keenin.

 “Socdaalkayga Jabuuti waxa aan ku imi martiqaad aan kaga qeybgalayo dhacdo caalami ah aniga oo ka socda wargeysyada Dawan Media Group iyo Somalilandsun.

Inkasta oo aan heystay baasaaboor dal kale oo waqtigiisu taagan yahay haddana waxa aan goostay in aan ku socdaalo baasaaboorka Somaliland si aan u tijaabiyo heshiiska ay dhawaan wada gaadheen madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo lagu aqbalay baasaaboorka Somaliland inuu ka noqdo dhukmenti socdaal oo rasmi ah Jabuuti”.

Weriye Yuusuf oo ka hadlaya sida uu ku qaatay baasaaboorka Somaliland waxa uu sheegay inuu ku helay markii uu codsaday waqti gaaban oo lix saacadood ah ka dib markii ay u sameeyeen qoraal u fududaynaya qaadashada baasaaboorka, guddoomiyaha Dawan Media Group Max’ed Cusmaan Mire (Sayid) iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/rashiid Jibriil Yuusuf.

 “Markii aan gacanta ku dhigay baasaaboorka Somaliland waxa aan u gudbiyay si ay iigu diyaaariyaan shirkadda Daallo Airline oo iga qaaday $ 230 oo ay ku jirto $ 60 oo ah fiisaha oo ay uga masuul tahay dhinaca Jabuuti,

“waxaan ka raacay diyaarada Daallo Boeing 737 madaarka caalamiga ah ee Berbera Jimcihii 8:00 A.M. waxaana noloshayda la yaab ku noqotay markii duuliyihii nagu wergeliyay in aan madaarka caalamiga ah ee Jabuuti aan ku gaadhayno 25 daqiiqadood” ayuu yidhi Yuusuf M. Xasan.

Waxa uu intaa raaciyay, “Waxa aan guushana uga mahadnaqayaa heshiiska ay isla qaateen madaxweyne Geelle iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici markii uu socdaalka rasmiga ah ku tagay Jabuuti bishii Juun.”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE