Maayirkii hore ee Laascaanood oo ka hadlay Dilalka lala beegsanayo Masuuliyiinta Gobolka, Xukuumadda iyo Dadka Deegaankana dhaliilo kala duwan u jeediyey
Hargeysa, 04 August 2012 (Ogaal)- Maayarkii hore ee Magaalada Laascaanood Kayse Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa sheegay in Xukuumada Somaliland ay ku guuldaraysatay xakamaynta dilalka joogtada ah ee lala beegsanayo Masuuliyiinta Dawlada ee Gobolka Sool.
Kayse Maxamed oo Magaalada Hargeysa shalay ugu waramay Warbaahinta. waxa uu sidoo kale ku eedeeyey amnidarrada iyo horumar la’aanta ka taagan Gobalka Sool dadka Degaankaas oo uu sheegay inaanay u baahnay in wax looqabto, waxaanu sheegay in saddex iyo labaatan qof (23) oo isugu jira Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Saraakiisha Ciidamada lagu Dilay Magaalada Lascaanood, dawladuna aanay arrimahaas waxba ka qaban.
Mr. Keyse waxa uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) ku eedeeyey inaanu ka hadal dilalka qorsheysan ee wakhti kasta ka dhaca magaalada Laascaanood. “Wax Allaale iyo wax ay dawladu ka qabatay amniga Gobalka Sool majirto, waxayna ku andacoonaysaa xukuumadu ammaanka oo khariban, waayo dawladuhu iyaga ayaa ammaanka suga. Dawladdu ammaanka may sugin oo 23 qof oo ka mid ah Madaxda dawlada iyo shaqalihii dawlada, saraakiisha ciidamada iyo madaxdii is-kugu jira ayaa la dilay. Wasiirka Arrimaha Guduhu weli kamuu hadal, waxna kamay odhan Ha’yadda ammaanku. Markaa waxa muuqanaysa in meesha aanay waxba ka jirin, dan-na aan laga lahayn,” ayuu yidhi Maayarkii hore ee Magaalada Laascaanood Kayse Maxamed Xaaji Xuseen oo dhawaan xilka iska casily.
Kaye Maxamed X. Xuseen waxa uu sheegay in Gobalada Somaliland ay isku dhaafeen Deeqaha ay bixiyaan Ha’yaddaha Caalamiga balse ay Ha’yadihii aanay ka hawl-galayn Gobalka Sool, taas oo uu sabab uga dhigay amni-darrada ka jirta Gobalkaas oo uu sheegay inay sabab u yihiin dadka Degaanadaas ku Degan oo aan u bahnayn in wax loo qabto. “Somaliland markaad eegto Goballada kale waxa la isku dhaafay waa Deeqaha Caalamka ee ay Bixiyaan Ha’yaddaha Caalamiga ah. Ha’yadihii Caalamiga ahina ma tagayaan Gobalka Sool taas oo ay keentay amni xumo ka taagan oo ay sabab u yihiin dadka Degaanadaasi degan oo aan u bahnayn in wax loo qabto, markaa taas ayaa keentay inay Ha’yaddihii ka joogaan sidii ay Gobalkaas mashariic uga fuliyaan. Dawladdiina kuma Cadaadinayso sidii wax looga qaban lahaa dadka amni-darrada ka wada Gobalkaas ee ka soo horjeeda ammaanka ay bulshadu haysato,” ayuu hadalkiisa raaciyey maayarkii hore ee Laascaanood.
Iyada oo Malmihii ugu danbeyay ay Magaalada Laascanood ka socdeen weeraro lagu hayo Masuuliyiinta Gobalkaas oo uu ugu dambeeyey dil ay koox hubaysan Habeen hore ku khaarajiyeen Xisaabiyihii Dawlada ee Gobalka Sool Marxuum Cabdi Cawad Xasan Xilli uu ka soo baxay Salaadii Taraawiixda.
Sidoo kale, waxa habeen saddexaad Qarax bambaano nooca gacanta laga tuuro ah lala beegsaday Guriga Maayarka Lascaanood Faraax Cabdi Barre, waxaana weerarkan dhaawac fudud ka soo gaadhay mid ka mid ah ilaalada maayarka.
In kasta oo maamulka gobolku ka hadlay labada dhacdo ee ugu dambeeyey iyo inay hawl-gallo lagu baadi-doonayo dadkii weerarradaas ka dambeeyey ay ciidamada Ammaanku wadaan, haddana illaa immika gacanta laguma dhigin dhagar-qabayaasha ka dambeeyey fulinta labadaas weerar ee la fuliyey labada habeen ee isku xiga.
Dilalka qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo masuuliyiinta laamaha dawlada ayaa dhawrkii sannadood ee la soo dhaafay ku soo noqnoqonayay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo intooda bandanna aan cid loo qaban dilalka masuuliyiinta dawladda ee gobolkaasi.









