Guddidii Isu Xilqaantay dhex-dhexaadinta Khilaafka Wershadda Sibidhka Berbera oo Shaaciyey inay Faraha kala baxeen, soona jeediyey tallaabada Xukuumadda la gudboon
Hargeysa, 02 August, 2012 (Ogaal)-Guddi Madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Sul. Cabdiraxmaan oo go’aamo ka soo saaray dhex-dhexaadin ay ka galeen khilaafka muddada ka taagnaa hirgelinta Warshadda Sibidhka Berbera, ayaa shaaciyey inay faraha ka qaadeen hawshii dhex-dhexaadinta ahayd ee ay wadeen.
Guddida Madax-dhaqameedka ah oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay tilmaameen in hawl-galka dhex-dhexaadinta ku timi Guddi isu xilqaantay sidii xal looga gaadhilahaa khilaafka Wershada Berbera, ka dib markii xal laga gaadhi waayey.
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdilaahi Sul. Cabdiraxmaan oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in markii ay Guddida is-xilqaantay shuruud looga dhigay inaan kalsooni la siineyn ilaa ay arrinta wershadda Sibidhka Berbera dib looga soo celiyo gacanta xukuumadda, isaga oo arrimahaas ka warramayana waxa uu yidhi, “Waxay nagu yidhaahdeen arrinta Wershadda Sibidhka waxa gacanta ku haysa Xukuumada iyo Salaadiin, waxay hortalaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Wax maandhayd ah oo aanu idinsiin karaynaa majirto ilaa Xukuumada dib looga soo celiyo, haddii halkeedii lagu soo celiyana waan idin siinaynaa. Haddii Xukuumadii ay xalinayso oo aad xal u haysaan, halkaas u dhaafimayno.”
Suldaanku waxa uu hadalkiisa intaas ku daray, “Guddigii is xilqaanka iyo Oday muuse waxay u tageen Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Qaddiyadaas ayey Guddigaas is xilqaamay naga Codsadeen. ‘Ma go’aamo ayaad ka soo saaraysaan, mise qadiyadaas xal kale ayaad ka gaadhi doontaan?’, ayaa Madaxweynaha la waydiiyey. Waxa na soo kaxaysay qoladan Guddiga ah, waana guddi is xilqaamay ayaa la yidhi. Guddigan is xilqaamayna waxgarad iyo Xukuumadba iyo cidkasta oo shacabka reer Somaliland ahba way soo mareen.”
Suldaanka guud oo ka tibaaxaya jawaabta madaxweynuhu arrintaas ka bixiyey, waa uu yidhi, “Madaxweynuhu waxa uu ugu Jawaabay ‘qadiyadaas Go’aankeedii maanu soo saarin, waanu ka warqabnaa in dadkaasi ay is xilqaameen ee Ganacsatadu ay ka mid yihiin maanta wixii ka danbeeya waxaanu u aragnaa inaad arrinta xal ka gaadheen oo aad nagu soo celiseen, wixii kalena waan idin caawinayaa’ ayuu yidhi Madaxweynuhu.”
Suldaan Cismaan Cali Kooshin oo isaguna ka hadlay shirkaas Jaraa’id waxa uu yidhi, “Lixbilood ayaa lagu soo jiray khilaafadka, go’aankiisiina waanu soo saarnay. Khilafaadkaas go’aankisiina waxa uu noqday, haddii ay noqotay in aanu meel is-kugu keeno oo haddii la kala bixi waayo qolo walba teedii loo fasaxo ayey hayd.”
Suldaan Axmed Nuur Samaale oo ka mid ahaa madax-dhaqameedka shirka jaraa’id qabatay, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay go’aan deg-deg ah ka soo saarto arrinta Khilaafkeedu soo jiitay maadaama ay xukuumad ahaan masuul ka tahay inay maamusho Masiirka Ummadda iyo kheyraadka isla markaana iyaguna madax-dhaqameed ahaan ku garab taagan yihiin, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay waxa Warsaxafadeedkan ka muuqatay Xukuumadda ayaa loo igmaday Masiirka Ummadda. Hadday tahay kheyraadka dalka iyo haday tahay masiirka Ummadda Xukuumada ayaa loo igmaday, waxaana lagu qancaa waxa Xukuumadaasi ay ku gooyso qadiyadaas Isha-allaah.” Suldaan Samaale waxa uu hadalkiisa sii raaciyey,“Xukuumadda waxaanu ku boorinaynaa inay si degdeg ah u soo afjarto haddii Alle ka dhigo xalka ay ka gaadhi doonto, madaama iyada loo igmaday inay xal ka gaadho, waanu ku garabtaganahay. Waxaana ku boorinaynaa inay si dhakhso ah ay u dhamayso.”
Jawaabta Guddidan madax-dhaqameedka ah ayaa ka dambaysay ka dib markii guddida Wershadda Sibidhka Berbera iyo xubno madax-dhameed, xildhibaanno iyo Aqoonyahan ka soo jeeda gobolka saaxil, ay ku gacan saydheen go’aamo guddidani ka soo saartay khilaafka hadheeyey hirgelinta wershaddaas.









