Khasaare ka dhashay Qarax xalay lala beegsaday Guriga Maayarka Laascaanood iyo Barakacayaasha Martida ku ah magaalada oo Mudaharaad cabasho ah sameeyey
Laascaanood, 02 August, 2012 (Ogaal)- Maayarka cusub ee dhawaan loo magacaabay Magaaladda Laascaanood Faarax Cabdi Yare, ayaa xalay Qarax lala beegsaday Gurigiisa ku yaala magaaladas.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa bambo nooca gacanta laga tuuro ah oo dablay aan la aqoonsan ku dhex tuurtay gudaha guriga Maayarka cusub ee Magaaladda Laascaanood Faarax Cabdi Yare, kaasi oo aan la ogeyn inuu guriga ku sugnaa wakhtiga qaraxu dhacay iyo in kale.
Weerarka loo geystay Guriga Maayarka degmada Laascaanood oo xilkaas hayey muddo saddex todobaad ku siman, waxa xaqiijiyey badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare), “Caawa abaaro 9:00 habeenimo ayaa koox aan la aqoonsani ay bambo-gacmeed ku tureen Guriga maayarka cusub ee magaalada Laas-caanood. Wax khasaare ah oo ballaadhanina kama uu dhicin ee nin askari ah oo ilaalada Maayarka ka mid ah ayaa filidh yari galay oo dhaawac fududi ka soo gaadhay,” ayuu yidhi Badhasaabka.
Badhasaabku waxa uu sheegay inaan weli cid loo qaban weerarkan, waxaanu tilmaamay in ciidanka Boolisku ay baadhis xoog leh ka wadaan magaalada, “Wali cid looma qaban baadhis xoog leh ayay ciidanka Booliska iyo maamulka gobolku wadaan waxaanan filaynaa inaanu gacanta ku soo dhigi doonto Ciddii weerarkan geysatay,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud (Jeeniyare) oo xalay u warramay Somalilandorg.
Ciidamada amaanka Laascaanood ayaa la sheegay inay isku gedaameen guriga Qaraxu ka dhacay, iyaga oo bilaabay hawlgal ay ku baadi-goobayaan cidda qaraxaasi fulisay.
Weerarka Xalay lagu qaaday guriga Maayarka Laascaanood ayaa muujinaya firfircoonida kooxaha Haw-gallada argagixisada ka wada gudaha magaalada iyo habacsanaanta maamulka magaalada iyo gobolka ee ku aaddan wax-ka-qabashada kooxaha falalka nabadgelyo darro abuuraya.
Dhinaca kale, Dadka barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Laascaanood, ayaa shalay sameeyey mudaharaad cabasho ah oo ay kaga soo horjeedaan maamulka xerada ay ku jiraan.
Dadkan oo u badna haween, carruur iyo waayeel, ayaa socod ku marayay qaybo ka mid ah Magaalada, waxaana ay ka cabanayeen xaalad nolol-xumo oo la soo deristay iyada oo maamulka gobolka Sool uu ku guuldaraystay in uu baahida qaxoontiga uu u bandhigo hay’adaha gargaarka ee gobolkaas ku sugan.
Qaxoontigan oo u badna dadka ka soo cararay dagaalada ka jira Koonfurta Soomaaliya, ayaan u diwaangashanayn hay’adaha gargaarka iyo xukuumada dhexe ee Somaliland , waxaana ay intooda badani soo gaadheen Magaalada Laascaanood lixdii sanno ee u dambeeyay.
Qaar ka mida dadkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladdooda nololeed sii xumaanaysay ilaa bilowgii sannadkan iyada oo ay ugu sii daran tahay bishan Ramadaan. “Waxa na haysta nolol xumo, bishii Ramadaan gaajo ayaa na dishay, Somaliland nabad waan ku haysanaa,laakiin noloshii way xun tahay, caruurtii waa ay macaluuleen, habeenkii waxba looma kariyo,” sidaas waxa warbaahinta u sheegay nin waayeel ah oo ka mid ahaa dadkii bannaanbaxa samaynayay.









