“Guddigii Diwaangalintu qareen Madax-bannaan malaha oo waxa nala doodaya Garyaqaankii Guud ee dawladda ma kiro ayaanu kala baxsanay?
Axmed Sandon
Hargeysa, 02 Ausgt 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Jamhuuriga ee Wajigii 1aad ee qiimaynta ururrada ku hadhay, ayaa hab-socodka kiiska ururrada siyaasadda uga furmay Maxkamadda sare ku tilmaamay mid sharci-darro ah maadaama aanay goobta ku sugneyn guddidii diiwaangelinta ee dacwaddu ku socotay oo uu qareen u yahay Garyaqaanka Guud ee Dawladda.
Axmed Sandon oo sidoo kale ka tirsan Xildhibaannada golaha Deegaanka Hargeysa, waxa uu ku dooday in xukuumaddu gacanta kula jirto Kiiskooda Maxkamadda Sare furan isaga oo taas ku sababeeyey difaacista Qareenka Guud ee Xukuumaddu ugu doodayo Guddida Diiwaan-gelinta maadaama guddidaasi ay yihiin qaar madax-bannaan.
Axmed Sandoon waxa uu sheegay inay maxkamada Sare ay ka filanayaan Caddaalad, balse waxa uu Giddida Diwaangalinta ku eedeeyay inay meesha keneen qodob aanay marnaba aqbalayn.
Axmed-Sandon oo shalay u warramay Wargeyska Ogaal, waxa uu dhinaca kale ku dooday in Guddida Diiwaangelinta baalmartay sharciyaddii loo abuuray isla markaana aanay ka xaq-soorin go’aanka ururrada lagu kala xulay.
“Aniga Ururkaygu waxbadan oo cadaymo ku jiraan waanu soo dhignay.Qodob aan meeshaba ku jirin ayey nagu yidhaahdeen waad ku dhacdeen oo wax kale oo ay nagu yidhaahdeen waad ku dhacdeen majiraan oo aan ahayn qodob ay ku sheegeen Madaxtirsi. Waxaanu ahayn saddex Urur oo midoobay tootalba way ka boodeen oo sharciba kamay soo qaadin, taasina wax aanu ka yeelayno maaha,”Ayuu yidhi Axmed Sandoon. Isaga oo hadalkiisa sii wataana waxa uu yidhi, “Qayrul sharci ayaanu u aragnaa waxa ay Guddigii Diwaan galinta Ururadu ay soo bandhigeen, wax alaale iyo wax ay cadaalad ka sameyeen oo dhaartii ay mareen ku oofiyeen majirto. Waxay soo qoreen xukun kharqoosh. Maxkamaddu iyadu way noo garqadaysaa oo kaliya iyaguna waxbay soo qoreen.”
Isaga oo ka hadlaya rejada ay ka filayaan natiijada kiiskooda u dhexeeya guddida diiwaangelintu, waxa uu yidhi, “Anagu waxaanu ka qabnaa rejo fiican haddii uu meesha ka dhaco garsoor xallaal ah. Dhamaantayo isku waddo ayaanu maraynaa oo xiilligan tallaabada aanu qaadayno ma sheegikarno.”
“Cidda nala doodaysaa maaha Guddigii diwaangalinta ee arrintu naga dhaxaysay. Guddiga diwaangalintu waxa weeyaan Ha’yad madax-bannaan oo ay tahay inay soo qabsadaan qareen. Waxa nala doodaayaa waa Garyaqaankii Dawlada. Markii hore hadaanu lahayn go’aamadaas soo baxay waxay ahaayeen go’aano Siyaasadeed way ka marqaati kaceen oo Qareenkii guud ee qaranka ayaa nala doodaaya,” ayuu yidhi. Waxaanu intaas ku daray, “Guddigii Diwaangalintu qareen Madax-bannaan malaha ee waxa nala doodaaya qareenkii guud ee qaranka, markaa anagu dawladda ma kiro ayaanu kala baxsanay, waxaanu doonaynaa xaquuq-dayadii muwaadinimo ee xaq nooguma laha. Waxaan halkaas ka cadeenayaa in dawladu ay nagu jirto, laakiin waanu ku kalsoonahay oo taladayadii waxaanu u dhiibanay Maxkamada sare oo aanu eegayno go’aan ay soo saarto.”
Dhinaca kale, Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa shalay soo geba-gabaysay dhegaysiga dacwadii Ururada oo uu ugu danbeeyay Ururkii hadhay ee Horyaal, iyada oo dhamaan ay Maxkamadu dhagaysatay Ururadii hadhay dacwadooda. Waxaana go’aanka laga sugayaa Maxkamada Sare ee oo u garsooraysay Ururadii hadhay iyo Guddigii Diwaangalinta.









