CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Hargeysa: Iskaashatada Hilibka ee NAFAQO oo doortay Hoggaan Cusub

Hargeysa, 02 August, 2012 (Ogaal)- Iskaashatada ururka Hilibka ee Nafaqo, ayaa shirweyne ay xalay ku yeesheen Huteel Imperial ku doortay Hoggaankooda cusub ee ururkaasi ka talin doona labada sanadood ee soo socda.

Waxa shirweynahan ka soo   qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE, La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada, Agaasimaha Guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada,  Kusimaha  badhasaabka gobolka Maroodi-Jeex, Xoghayaha  Gobolka Gobolka Hargeysa iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha Iskaashatada Nafaqo cod gacan taag ah oo aqlabiyad ah loogu doortay  Mr Dayib Cumar Aadan, Guddoomiye Ku-xigeenka Iskaashatadana waxa loo doortay Shuun Xuseen Cilmi, halka Xoghayaha guud ee ururkana loo doortay Mr Ciise Keyse Warmahaye.

Doorashada ka dib waxa madashii shirweynahan ka hadlay Guddoomiyaha Gudidii qaban qaabada shirweynaha Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo ee magaalada Hargeysa Mr. C/raxmaan Xaaji Cumar Suufi, waxaanu yidhi   “Runtii maanta bahweynta ururka Nafaqo iyo gudideeda fulinta oo maanta halkan wada fadhiya waxay diyaar u yihiin in sii sinaan iyo  cadaalad leh oo gacantaaga ay ku caleemo saaran cida noqonaysaa ama hogaaminaysaa iskaashatada hilibka ee ururka Nafaqo.

“Iskaashatadan ama bahweyntani Nafaqo waxaa uu soo marey heerar marxalado kala duwan oo minba meel soo gaadshiyay maantana Insha Allaaahu waxaan ku rajo weynahay in hogaanka la doorto halkaasi uun ka sii ambaqaadi doono,”ayuu yidhi C/Raxmaan Xaaji Cumar.

Sidoo kale , xubno ka mid ah Gudida fulinta Iskaashatadan ayaa u mahad celiyay maamulkii hore ee ururka oo ay tilmaameen inay meel wanaagsan soo gaadhsiiyeen, iyagoo u rajeeyay maamulka cusubna inay halkaasi ka sii ambo qaadaan.

 Ku simaha badhasaabka Maroodi Jeex ahna Guddoomiye xigeenka Rashiid Axmed Muxumed oo ka hadlay shirweynahan ayaa soo dhaweeyay sida dimuqraadiyada ah ee ururkani isku doorteen, hoggaankooduna xilka kula kala wareegay si sharci ah,

“Waxaa ii farxad ah inaan idin kala soo qaybgalo xafladan ay iskaashatada Nafaqo ku dooratay Hoggaankooda  cusub, iskaashatada Nafaqo waa laf-dhabarta dhaqaale ee aynu leenahay tanina waxay muujinaysaa sida fiican ee aad bahweyntiinani isugu tolan tihiin ee qiimaha iyo waddaniyadda leh una soo bandhigteen inaad  doorataan cidii idiin hogaamin  lahayd.”

“Anigoo ah ku simaha  guddoomiyaha gobolka kana wakiil wasaaradda arrimaha gudaha, waxaan balan qaadaya inanu dhinacayaga la shaqeyn doono isna garaab taagi doono guddoomiyaha cusub iyo hawlwadeenadiisaba,” ayuu yidhi ku simaha badhasaabka .

Ugu dambayn waxa shirweynahaasi soo gabo-gabeeyay  La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada, waxaanu yidhi “Waxaa ii farxad  xafladan aadka loo muneeyay inan idin kala soo qaybgalo, runtii anigu waxaan ka garaabaya waxyaabihii ay qabteen guddidii hore iyo intaa uu sheegay guddoomiyaha qabanqaabadu ee uu yidhi fadhiidnimo  oo waa jirtaa gaabiskaasi, waxaana mudan in la sheego qof walbaba waxaa uu qabtay waayo qofka aan bila aadanka u mahadnaqin Ilaahayna uma mahadnaqo, waxay duco ku sagootiyaynaa hogaankii hore, waxaanan   soo dhaweynaa  hogaanka cusub oo aanu u balan-qaadeyno inaanu isgarab taagi doono, waxaan idiinku daardarayaa sidii horumarkiina iyo waxqabadkiinu u noqdo mid mid midho-dhala. waa in aad noqotaan kuwoo is-indho buuxiya, dedaal dheeraadana la yimaada.”

Sidoo kale waxaa isaguna xafladaasi hadal ka soo jeediyay hogaanka la doortay ee ururkaasi Nafaqo Dayib Cumar  Aadan, ayaa sheegay inuu sii sinaan iyo cadaalad ku dheehan tahay ugu shaqeyn doono idil ahaantoodbaa. Ururka iskaashatada ee hilibkana.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE