Abwaan Hadraawi oo Faallo ka bixiyey Buug Cusub oo ka Hadlaya Maansada Soomaalida
Hargeysa, 02 August, 2012 (Ogaal)- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa ka ka hadlay Buugga “Culuumta Maansada” oo uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid ah dhallinyarada qalin-maalka ah ee Somaliland, isla markaasna wax ka yaqaanna Suugaanta kaas oo koobay aqoonta xeesha dheer ee ay ku dhisan tahay maansada Soomaalidu.
Buuggan ayaa waxa akhriyay, waxna ka yidhi intii aan la daabicin, haldoor faro badan oo uu ka mid ahaa Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi).
“Marka hore aan idhaahdo Siciid Maxamuud Gahayr waa wiil aad u da’yar, ujeedooyinka buuggani xambaarsan yahay aad bay uga da’weyn tahay isaga. Waxaan horta Siciid ku hambalyeynayaa sida uu ugu dhiiraday in uu nolosha wax ku soo kordhiyo iyo in uu qoraalkiisa ku bilaabo hantida ummadda iyo baadidoonkeeda ku saabsan suugaanta ay Soomaalidu leedahay, taasoo runtii ah ujeedo aad u culus. Waxaan odhan karaa ujeedadaas uu Siciid abbaaray waa ku dhac geesinimo leh. Siciid baabka suugaanta iyo dedaalkiisa wuu u talo badsaday, waayeel iyo wax-garad ayuu la tashaday oo ku yidhi “wax igu biiriya”, talo badsigaasna Siciid kumuu khasaarin, waxa Siciid taa u barbar taal, wuxuu faaqiday Miisaanka Maansada oo isna maanta faaqidaadiisu badka taal, waxaan Siciid u rajeynayaa in uu helo fursad uu ku sii kordhiyo dedaalkiisa.” ayuu yidhi Abwaan Hadraawi oo ka faalloonayay buuggan ka hor intii aan la daabicin.
Buuggan ayaa ah mid koobaya aqoon badan oo ku ladhan maansada Soomaalida sida qaybaheeda, shuruudaheeda, doorkeeda taariikha, hummaageynta, ujeeddooyinka loo allifo, miisaanka maansada, ujeeddada maansada loo allifo, waxtarna u leh bahda suugaanta.
Buuggan ayaa illaa iyo hadda laga heli karaa suuqyada dalka Sweden iyo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.









