Dhacdo sababtay Geerida Wiil da’yar oo Nooceedu ku cusub tahay Hargeysa iyo Ciidamada Ammaanka oo weli wada Baadhitaankeeda
Hargeysa, 30 July, 2012 (Ogaal)- Wiil yar oo habeen hore ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ka dib markii isaga oo ordaya isku dhaceen nin masaajid ka soo baxay, ayaa qoyskiisu diideen in la aaso.
Meydka ilmaha yar oo la dhigay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ka dib markii uu shilku ku yimi, ayaan la aasin sababo la xidhiidha baadhitaano ay qoyskiisu codsadeen in lagu ogaado sababta keentay geerida wiikooda.
Wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Abokor Mustafe Cali oo ay da’adiisu ahayd Sagaal jir isla markaana la Noolaa Habaryartii oo deggen xaafadda Sheekh Nuur ee magaaalada Hargeysa, ayaa ka mid ahaa carruur ku ciyaaraysay meel ku dhaw xaafaddooda, waxaana jiidhay mid ka mid ah dhalinyaro rabshad samaysay oo ciidamo boolis ahi eryanayeen, kuwaas oo aan la kala garanayn ciddooda iyo halka ay ku dambeeyeen.
Qoyska dhalay wiilkan ayaa diiday in ay maydka aasaan illaa inta la xaqiijinayo qofkii sababta u ahaa geeridiisa, waxaana ay ciidamada ammaanka iyo kuwa dambi-baadhistu bilaabeen baadhitaano lagu ogaanayo sida uu shilku u dhacay oo ah mid dooddiisu dalka ku cusub tahay, iyada oo sidoo kale la baadi goobayo ninkii ay wiilka isjiidheen.









