CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Wasiirka Caafimaadka oo Qorshe la’aanta Wasaaraddiisa ee Cudurka Joonista u Nisbeeyey Ha’yadaha Caafimaadka ka shaqeeya

Hargeysa, 30 July 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog ) ayaa sheegay in Wasaaraddiisu aanay wax qorshe ka lahayn cudurka jooniska oo uu sidoo kale tilmaamay inuu tobankii qofba midkood haleelo.
Wasiirka oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu dhaliil u jeediyey hay’adaha caafimaadka isaga oo dhan kale shacbiga Somaliland uga digay inay ka feejignaadaan khatarta cudurka joonista oo xuska maalinta Caalamiga ah ee loo qoodeeyey xannuunkan dorraad ku beegnayd.
Dr. Xuseen Xoog mar uu tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadku aanay wax qorshe ah oo laga hortago cudurka Jooniska, waxa uu u nisbeeyey hay’adaha caafimadka ka shaqeeya oo uu sheegay inaanay wax qorshe ah ka lahayn cudurka iyo inay ka gaabiyeen shaqadii kaga aaddanayd. Wasiirku waxa uu sheegay in cudurka oo siyaabo kala duwan isla markaana sahlan ku fidi kara uu bulshada halis badan ku keeni karo, waxaanu jeermiskiisu qofka ka abbaaraa beerka oo uu fadhiisto.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE