Shir lagu gorfaynayo Qorshaha Dhaqaalaha Shanta Sanno oo Hargeysa ka furmay
Hargeysa, 30 July, 2012 (Ogaal)- Shir lagaga wada hadlayay toosinta rukunka dhaqaale ee qorshaha shanta sanno ee dalka isla markaana ay ku kulmeen hay’adaha dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Shirkan oo lagu falanqeeyay sidii loogu tabaabushayn lahaa ka dhabaynta Qorshaha shanta sanno ee dhinaca Horumarinta, waxa shir gudoominaysay wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadka bada.
Muddadii uu socday Shirkan waxa lagaga dooday dardar-galinta rukunka dhaqaalaha oo ay iska kaashanayaan dawlada Somaliland iyo hay’adaha Caalamiga ah kaasi oo hadafkiisu yahay in la gaadho qorshaha horumarineed ee shanta sano.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Md. Maxamed Cilmi Aadan, ayaa tilmaamay muhiimada shirkan uu u leeyahay qaranka iyo sida ay lama-huraanka u tahay dejinta qorshaha horu-socod ee shanta sano. Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in Wasaaradda Kalluumaysigu ay xuddun u tahay qorshaha diyaarinta.
Sidoo kale, Agaasimahayaasha Guud ee Wasaaradaha Ganacsiga Abiib Axmed Cali, Maaliyadda Saleebaan Jaamac Diiriye iyo Madaxa Xafiiska Isku-xidhka Hay’adaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Qorshaynta, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga fekero qorsheyaasha horumarineed ee dalka iyada oo lala kaashanayo ururrada wakiilka ka ah dalalka horumaray.
Shirkan lagaga hadlayay Taabbo-galinta Rukunka Dhaqaalaha oo hadafkiisu yahay in la gaadho qorshaha horumarineed ee shanta sano, ayaa ah mid labadii biloodba hal mar laysugu yimaado waana tallaabo muujinaysa hayaanka horumarineed ee la hiigsanayo.









