CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Xukuumadda Somaliland oo Sababaysay inay wakhtigan Hakad Geliso Wada-hadalladii u Dhexeeyey Somalia

Hargeysa, 28 July 2012 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay hakiyaan wada-hadalladii u socday Soomaaliya sababo la xidhiidha loolanka loogu jiro madaxweynihimada Soomaaliya kana dhur-sugayaan inta dawlad cusub ay ka dhalanayso dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa sheegay inay fursad siinayaan Siyaasiinta wada-hadallada gadh-wadeenka u ahaa iyo  Guud ahaanba Hoggaan cusub oo ka dhasha maadama, sida uu sheegay, loolan siyaasadeed u dhexeeyo Siyaasiyiinta hirdamaaya Madaxtinimada Soomaaliya.

 Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa kale oo uu sheegay in arrintan ay la ogtahay Beesha Caalamka ee wada-hadallada goobjoogga ka ahaa ee gacanta ka siinaysay in la sugo isbeddelka ama xukuumada cusub ee bisha sideedaad dhamaadkeeda la filaayo in Soomaaliya loo sameeyo, waxaanu sheegay inay rajeynayaan in si nabad-galyo iyo is-afgarad ah ku dhamaato, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya dhawaan u furmay anagu Xukumad ahaan aad iyo aad ayaanu u danaynaynaa, waananu soo dhaweynaynaa. Runtii labadii goor ee aanu ku kulanay Ingiriiska marna dalka Immaaradka Carabtana arrimihii ka soo baxay waxay muujinayeen, sida labada gesood-ba u daneenayaan,  in wada-hadaladaas lagu guulaysto.” Wasiirku waxa uu sababeeyey qorshaha Xukuumadda Somaliland ee Hakinta wada-hadallada, “Hase yeshee sida imika laga warqabo waxa Soomaaliya ka bilaabmay tartan iyo loolan xaga Siyaasada ah oo loogu jiro Madaxtinimada Soomaaliya, markaas anagu waxaanu jecelnahay inaanu fursadsiino Siyaasiyiinta u sharaxan Soomaaliya ee markii hore wada-hadalada nagula jiray iyo in fursad la siiyo guud ahaan-ba Soomaaliya oo dhan. Inta arrintaas loolanka ah ay soo Af-jarmayso. waxaanu rajeynaynaa inay ku dhamaanayso is afgarad iyo sinabad-galyo ah,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdilaahi isaga oo hadalkiisa intaa ku daray, “Markaa Maamulka cusub ee bisha sideedaad 20-keeda la filayo inuu dhasho aanu halkaas  kala sii wadno wada-hadaladii hore noogu furmay, laakiin waxaanu fursadsiinaynaa Soomaaliya in laga jeedin hawshaas xooga badan ee hortaala ee kusaabsan loolanka Siyaasiyiinta oo wanaagsan sidii uu dalka uga dhicilahaa, markaas arrimahaas ayaanu sikumeel gaadha u hakinay imika.”

Wasiirku isaga oo sii xoojinaya inaanay kali ku ahayn go’aanka hakinta wada-hadallada Soomaaliya, “Waa arrin Bulshada Caalamka ee wada-hadalladan goob-joohga ka ahayd ee nala shaqaynaysay gacanna naga siisay furitaanka wada-hadalada aanu la socodsiinay oo waanu ku wargalinay arrintan, wayna ogyihiin,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdilaahi oo shalay u warramay Idaacadda BBC laanteeda Af-Soomaaliga.

Mar Wasiirka la weydiiyey waxa uu yahay isbeddelka ku yimi maadaama markii horeba ay ogaayeen in Xukuumadda wada-hadallada lala bilaabay wakhtigeedu sii dhammaanayo oo ay tahay Dawlad ku meel-gaadh ah, waxa uu yidhi, “Maamulka TFG ee Soomaaliya ee aanu wada-hadalada la furnay waxa uu ahaa mid aanu raali ka nahay labadayada gesood-ba oo ilaa imikana aanu raalli ka nahay wakhtigan lagu jiro inay sii socdaan hase yeeshee duruuftan lagu jiro ee taagan, ee tartanka xooga leh ee la doonayo in Muddo gaaban lagu soo dhameeyo sidii dawlad cusub uga dhalan la hayd Soomaaliya.”

“Markaas muddadaas tartanku socdo iyo isbeddelka ayaanu u kaadinaynaa ee maaha inaanu ka noqonay ama si kale loo arkay. Labada geesoodba waxay wada galeen shuruudo caalamiya iyo ballan-qaadyo inay wada-hadal samaystaan. Maamulkuna kuma koobna labada dawladood ee waxa wada-hadlaya labada dal marba xukuumada joogta ayaa dadkeeda u matalidoonta haddii Illahay ka dhigo,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE