CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Masuuliyiinta Degmo ka tirsan Gobol ay Abaaruhu Ragaadiyeen oo Daad la tagay

Hargeysa, 28 July, 2012 (Ogaal)- Maayarka degmada Boon Maxamed Khayre Dhimbiil oo ay weheliyeen xoghayaha fulinta dawladda Hoose iyo sarkaal kale, ayaa habeen hore daad qaaday iyaga iyo gaadhigii ay wateenba, haseyeeshee ka badbaaday shilkaas kadib muddo ka badan 24 saacadood ah oo ay ku jireen dooxa tuulada Ceel-gaal oo daadku ku qaaday.

Maayarka degmada Boon ee gobolka Salal Maxamed Kheyre iyo weftiga la socday oo wakhtigaas ku sii jeeday magaalada Saylac, ayaa ka warramay dhacdadan. “Aniga, Xoghayaha fulinta dawladda Hoose ee Boon iyo sarkaal kale waxaanu habeen hore ka baxnay degmada Boon waxaanan u sii jeednay magaalada Saylac, markii aanu maraynay tuuladda Ceel-gaal waxaanu is nidhi ka talaaba dooxa Ceel-gaal, iyadoo baabuurkii uu ciidii naga yara galay waxa nagu soo rogmaday daad weyn oo ka dhashay roob ka da’ay deegaanka Xariirad iyo Boon. Daadkaasi oo anaga iyo baabuurkiiba qaaday. Waxaanu muddo ka badan tobaneeye saacadood aanu mudanay xaalad adag waana aanu neef qabatownay,” ayuu yidhi Maayarka Degmada Boon.

Maayarku isaga oo sii faahfaahinaya sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi, Gaadhigii aanu wadanay oo Surf ah oo ay degmada Boon lahayd daadku wuu aasay gabigiisaba, waanu furfuray oo waxba kama noola, raqdiisiina waxay taallaa wali dooxii, iyadoo aanu u waynay wiish aanu ku qaadno.”

Maxamed Khayre Dhimbiil waxa uu u mahad celiyay duqa Saylac oo uu tilmaamay inuu gurmad ka galay isla markaana shalay masuuliyiintaasi laga soo samato-bixiyay dooxaasi.

Maayarku waxa uu sheegay in baabuurkaasi uu kaalin weyn ugu jiray degmada Boon iyo tuulooyinka hoos yimaadaba, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Gaadhigani waxa uu ahaa mid waxtar weyn u lahaa bulshada degmada Boon iyo Tuulooyinka hoos yimaadda, waxaanu noo ahaa Ambalaas dadka buka deegaamada miyiga ah lagaga soo qaado isla markaana lagaga shaqeeyo nabad-gelyada deegaamada degmada. Waxaan qabaa inaanu u cadilmi doono.”

Maayarku waxa uu baaq u diray Xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha, isaga oo ka codsaday sidii gacan looga geysan lahaa baabuurkaas beddelkiisa, “Waxaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo xukuumada dhexeba ka codsanaynaa inay Baabuur deg deg ah noo iibiyaan maadaama oo shilkaasi ku yimid baabuurkii degmada. Waxaan imika ku sugan nahay degmada Saylac mana haysto baabuur aan dib ugu noqdo degmada Boon,”ayuu yidhi Maayarka Degmada Boon oo  xalay isaga oo ku sugan magaalada Saylac khadka telefonka ugu warramay shabakadda Somaliland.org.

Sidoo kale, waxa Maayarku sheegay in xaaladii abaareed ee degmada Boon iyo tuulooyinkeeda ay wali sii jirto, waxaanu ku baaqay in gurmad cuno la soo gaadhsiiyo 300 oo qoys oo ku soo baro-kacay gudaha degmada Boon markii ay ka baxeen xoolihii ay haysteen.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE