CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Shir-beeleed Ku qabsoomay Gobolka Sanaag oo laga soo saaray Qaraar Ka Dhan ah Xaalufinta Deegaanka

Damalo, 28 July, 2012 (Ogaal) – Shir-beeleed muddo dhawr maalmood ah ka socday deegaanka Damala-Xagare oo ku yaala Woqooyi-bariga gobolka Sanaag, ayaa laga soo saaray go’aamo deegaankaas lagaga mamnuucayo dhuxulaysiga oo xaalufiyay dhirtii deegaankaas.

Madax-dhaqameedka shirku u furmay waxa ay  isku raaceen in  gabi ahaanba la joojiyo  jaridda dhirta, isla markaana in dhuxulaysatada laga caydhiyo deegaankaas oo ay xaalufin ku hayeen muddo ka badan 20 sanno, iyada oo la magcaabay guddi ka hawlgeli doona fulinta go’aamada shirka ka soo baxay.

Shirkan lagu soo gabo-gabeeyay deegaankaas ayaan loo ogolaan inay warbaahintu ka qaybgasho iyada oo ay odayaashu diideen in si hordhac loo ogaado arrimaha laga hadlayo.

Waxaana oo u dhignaa qoraalka ka soo baxay shirku.

1-Shir ay beesha deegaanka  Damala Xagare isugu timid bishan 21/7/2012 oo socday muddo 5 maalmood ah, waxa la isla qaatay in la dhawro deegaanka oo go’aamo midaysan laga yeesho.

2- Dhuxulaysig waa ka wmamnuuc  degmada Damala Xagare iyo dhulka ay maamusho, ciddii lagu qabtana sharciga ayaa lala tiigsanayaa, waxa lagu fulin doono qodobada lagu heshiiyay.

3- Illaalinta deegaanka waxa masuul ka ah dadka ku dhaqan dhulkan oo ay madax u yihiin maamulka degmada iyo odayaasha dhaqanku.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE