Raysalwasaaraha Somalia oo ololaha Doorashada Madaxtinimada Dalkaas ku galaya Wada-hadalladii Somaliland oo uu marin habaabiyey
Muqdisho, 22 July, 2012 (Ogaal)- Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda TFG ee Somalia oo Cabdiweli Maxamaed shaaciyey inuu u taagan yahay madaxweynimada dalkaas, ayaa ololaha doorashada xilka ugu sarreeya dalkaas ku galaya wada-hadalladii dhexmaray Somaliland oo uu marin-habaabiyey.
Cabdiweli Gaas oo la hadlayey taageeraal magaalada London ku qabtay munaasibad ay sheegeen inay ku garab-taagan yihiin inuu isku soo sharraxo xilka madax-tinimada dalka Soomaaliya, ayaa isaga wax-qabadka xukuumaddiisa yeedhinaya, waxa uu tilmaamay inay ku guulaysteen in dib loo amuuro midowgii Soomaaliya isla markaana wada-hadallada Somaliland dhexmaray muujinayaan rejo laga qabo Soomaali midowda.
Dr. Gaas isaga oo ka hadlay wada-hadalkii Somaliland ay xukuumaddiisu la samaysay waxa uu yidhi, “waxay ka mid tahay guulaha aanu gaadhnay inaanu isku keeno Soomaaliya, wada-hadalkaasi wax kasta ha loogu yeedho laakiin waxaa runtu tahay oo ugu danbaynta la gaadhi doona waa midnimo Soomaaliyeed oo cid wal oo Soomaali ah ku qasab ah, waanu sii wadi doona wada-hadallada, wax kasta oo aan ka ahayn midnimada Soomaaliyeed oo ah lama taabtana waanu la gaadhi doona walaalahayo Woqooyi,” ayuu yidhi Gaas.
Waxa uu taageerayaashiisa u sheegay inay isaga macno badan ugu fadhido inuu u shaqeeyo Soomaaliya oo uu sheegay inaanay jirin wakhti ay maanta ka fiicantahay inuu Soomaaliya hogaamiyo.
Dr. Gaas wuxuu ka hadlay waxqabadkii ay dawladiisa oo hal sanno jirta samaysay ilaa intii xilka loo doortay wuxuuna ka hadlay horumarka ay ka sameeyeen dhinaca wada-hadaladda iyo isku soo dhawaynta Soomaalida. Isaga oo wax-qabadkiisa ka hadlay, Wuxuu Dr. Gaas sheegay in istaratijayadda ay dawladdiisu dhigtay ay suuragalisay in Alshabaab laga saaro magaalada Muqdisho iyo badiba gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya isagoo ballan qaaday in haddii la doorto uu ka dhabayn doono in Alshabaab laga tirtiro dhulka Soomaaliya
Hadalkiisani ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan Madaxweynaha TFG-du uu gaarkiisa ugaga dhawaaqay inuu u taaganyahay musharaxnimada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la sheegayo inuu Cabdiweli Gaas taageero ka raadinayo odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale, waxaana haddii uu ku dhawaaqo inuu sharaxanyahay ay noqonaysa in Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarahiisaha Somalia ay u tartamayaan jagadan.









