CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

“Madaxweynuhu isaga ayaa markii horeba imagacaabay hadduu igu diidana…”

Hargeysa, 22 July 2012 (Ogaal)-Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Col. Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo xilkii uu qaranka u hayey dorraad isaga casilay sababo uu sheegay inay khusayso shaqadiisa, ayaa sheegay in haddii madaxweyne Siilaanyo ku diido is-casilaadda uu u gudbiyey, aanu isaguna ka hor imanayn inuu xilkiisii sii haysto.

Col. Calas waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo sababaha dhabka ah ee is-casilaaddiisa khusaysa isaga oo sheegay inuu madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Gaashaan-dhigga u gubdiyey is-casilaaddiisa balse aanu wax jawaab ah oo ku saabsan is-casilaaddiisa ka helin masuuliyiinta kor ku xusan.

“Maanta (shalay) ayey gaadhay (Waraaqda) Wasiirka gashaandhiga oo Khamistii waxaan gaadhsiiyey Taliyaha Ciidamada iyo Madaxweynahana,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Waraysi siiyey idaacadda Internetka ee Hadhwanaag.
Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Somaliland oo la weydiiyey, haddii uu madaxweyne Siilaanyo ku gacan-saydho is-casilaaddiisa, waxa uu yeelayo, waxa uu yidhi, “Madaxweynuhu isaga ayaa markii horeba imagacaabay hadduu igu diidana waa iska-caadi.”

Madaxweyne Siilaanyo ayaa bilowgii sannadkan magacaabay Abaanduule Col Cabdiaahi Xaaji Jaamac ka dib markii xilkii laga qaaday Abaanduulihii hore ee Ciidamad Qaranka Somaliland Col. Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-Dhable) iyo Taliyihii Hore ee Ciidamada Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo xilalkaas hayey tan iyo dhammaadka sannadkii 2003 oo madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin wakhtigaas magacaabay.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE