CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Hawl-gal lagu rarayo Dadka Sharci-darrada ku deeggen Dhulka Madaarka Burco oo shalay la bilaabay iyo Baaqa Wasiirka Duulista

Burco, 22 July, 2012 (Ogaal)- Wasiirka wasaaradda Duulista iyo Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shalay Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Burco ka Bilaabay Olole lagaga rarayo dadkii Deganaa agaagarka Garoonka oo mudo Afar sano ah Xidhnaa, isla markaana aan shaqaynayn sababo la Xidhiidha dhinaca dayaca iyo waliba Dhulkii madaarkaasi lahaa oo ay Boobeen dad shicib ah taasina ay sababtay inuu Xidhmo Barxadda ay diyaaraduhu ka haadaan.

Banaynta Madaarka oo ay wasiirka kala qayb qaadanayeen Maamulka Gobolka iyo waliba dawlada Hoose ee magaalada Burco, ayaa waxa shalay subax laga raray wejahada hore ee Garoonka Boqolaal Jiingado ah oo ku xeernaa.

Wasiirka Duulista iyo hawada oo ka war bixinaya hawshooda banneynta madaarka, waxa uu yidhi, “Waxa aanu maanta (shalay) unimi oo shaqadeedii Bilawnay in aanu dib u calaamadino oo sugno Xuduudaha Dhuleed ee Madaarka Magaalada Burco leeyahay.”

“Madaarkanina maaha dhul Cusub oo iminka la yagleelayo waa mid soo jireen ah, waa madaarka ugu guunsan madaarada Soomaaliland ee dawladdii Ingiriisku dhistay. Dhulkan maanta la dhistay ee la Boobay ee la bililaqaystay waa dhulkiisii, waxaan leeyahay ma suuroobayso in Burco dhulkii madaarkana Baloodhaysato, madaarna uu noqdo oo waa Maahmaahdii odhan jirtay, ‘wankaygana waxaan doonayaa in aan marba hilib ka goosto inuu noolaadona waan rabaa,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlaya qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan Madaarrada dalka, waxa uu yidhi, “Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa ka go’an inay dhisto oo ay kor u soo qaado Madaarkan waana mid laf dhabar u ah umadda reer Somaliland. Waxaanan u sheegayaa dadka halkan quud-daraynaya in madaar la rarayaa aanu jirin ee waxaan leeyahay nala shaqeeya.” Waxa uu intaas hadalkiisa ku sii daray, “Intii hore waxaanu mashquul ku ahayn labada Madaar ee waawayn ee Hargaysa iyo Berbera, kumanaanu khaldanayn ee waanu saxnayn kanina maantuu bilawday, Banayntaas la baneeyayna waxa ku xigaya dayr lagu sameeyo, in la kabiso, marba wixii loo helo ilaa uu ka noqdo garoon Calamiya oo aanu sibidh ku samayno.”

Wasiirku waxa kale oo uu ku adkaysay inuu Dhamaan dadka madaarka ku xeeran oo dhan uu ka wada rari doono isaga oo farta ku fiiqaya Binooyin iyo daaro waawayn oo gudaha ugu jira sadexda Boqol ee mitir ee madaarku.

Hawl-galka lagu banneeyey madaarka Burco waxa wasiirka ku wehelinayey Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud, Badhassabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir, Maayarka Burco Maxamud Axmed Xasan, Xildhibaan Waabeeyo iyo Xildhibaan Cali Mareexaan, kuwaas oo dadweynaha reer Burco ugu baaqay inay baneeyaan Dhulka Madaarka

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE